header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Sargaal ka tirsanaa maxkamadda sare ee gobolka Bay oo xalay lagu dilay bartamaha magaalada Beydhabo

Your Ad Here

By Ahmed Aden Ibrahim on December 22,2024

Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa xalay waxa ay kooxo hubeysan ku dileen sargaal ka tirsanaan maxakamadda sare ee gobolka Bay.

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa toogtay sargaalka oo Sheekh Maxam'uud, iyadoo marka sargaalkaasi la tooganayey uu marayey meel ku dhow masjidka Carabta ee agagaarka xafadda Isha ee magaalada Beydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada Beydhabo ayaa xaqiijiyey dilka sargaalkaasi, isago sheegay in kooxihii falka dilka ah geystay ay baxsadeen, waxaana uu xusay in ay wadaan baaritaano la xiriira sidii loo ogaan lahaa cidda ka dambeysa dilka sargaalka ka tirsanaan maxakamadda gobolka Bay.

Magaalada Bydhabo ee xarunta gobolka Bay ahna fariisinka xubnaha barlamanka ee dowladda federaalka KMG ayaa waxaa ku soo badanaya falalka dilalka qorsheysan ah ee lala beegsada saraakiisha dowladda, iyadoo dhawaan ay aheyd markii kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada Beydhabo ku toogteen sargaal ka tirsanaa nabad sugidda iyo dumaashidiis.

Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.


42 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 4 votes)
Comments (0 posted)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author