Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Beydhabo oo xarun u ah xubnaha baarlamaanka dowladda KMG.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Isha Beydhabo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha uuqaraxaas geystay.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ciidamadaas ay howlo baaritaano ah ka bilaabeen goobta lagu qarxiyey.
Qaraxa ka dhacay magaalada Beydhabo oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn daryankiisalooga maqlay gebi ahaanba magaalada, waxaana wararka laga helayo halkaas ay tibaxayaan in xaaladdu ay tahay mid kacsan oo ciidamo Itoobiyaan ah la oodhoobay waddooyinka magaalada.
Qaraxyada ayaa ku solo badanaya magaalada Beydhabo, waxaana qaraxaan uu dhacayaa xilli dhawaan magaalada ay ka dheceen qaraxyo iyo dilal loo geystay saraakiil ka tirsan kuwa nabadsugidda magaalada Beydhabo.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.