header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (2 posted)

Cadaaladu iyada ayaa hadasha nin xoola miskiin xaday ama xoogay wax umatarta(True history)

Your Ad Here

By Anwar Thabit on December 24,2024

Nin Beeralay Soomaaliyeed ah ayaa badanaaba Galleey, Sisin iyo Khudaar kala nooc ah ka soo qaadi jiray beertiisa oo ku taalla mid ka mid ah tuulooyinka ku dhereran Webiga "Shabeelle", agagaarka Jannaale.

Suuqa weyn ee magaalada Marka ayuu toddobaadkiiba mar keeni jiray, oo ku beecin jiray wixii dalag ah ee uu haysto ama uga soo go'a beertiisa. Si xalaal-quudatanimo iyo muruq maalnimo ah ayuu reerkiisa u biilan jiray, oo u noolayn jiray Caruurtiisa, Xaaskiisa iyo Waalidkiisaba.

Maalin maalmaha ka mid ah, goor barqa ah, isaga oo galleey iyo Sisin la fadhiya, beegaya oo ku beecinaya suuqa Marka, ayaa waxaa soo dul istaagay nin Mooryaan ah oo qori ‘AK’ ah ku hubaysan; kaas oo hubkii uu haystay iyo heybtiisa qabiil un isku halleynayay, illowsanaana Awoodda Alle iyo Ammarrada Eebbe ee ah "In aan la isdulmin !!”.

Sicirkee ayaad iiga iibineysaa iyo imisa ayaan kaa siiyaa badarka maba uusan dhihine, inta uu Jawaanno maran oo uu watay ka buuxsaday galleeyda iyo Sisinta ayuu cagta waddada saaray, oo iska sii socday, isaga oo weliba Gafuurka taagaya.

Ninkii Beeraleyda ahaa ee badarkana beecinayay, ayaa inta uu ka daba-tegay Mooryaankii, weydiistay bixinta lacagta Galleyda iyo Sisinta, isaga oo yiri: "Ma iska baxaysaa adiga oo aan bixin beesada badarka.?!"

Mooryaankii ayaa diiday inuu bixiyo wax lacag ah, oo weliba ku yiri ninkii: “Haddaad mar dambe lacag (beeso) i weyddiiso, meydkaaga ayaa meeshan laga qaadayaa". Ninkii Beeralayda ahaa ayaa dacalka ku soo dhegay jawaannada midkood, isaga oo leh: "Ma Badarkii Beerteyda iiga soo baxay ayaad iga baadaysaa, oo weliba ila dhacaysaa Buntuq..?!!". Hase yeeshee, isla markiiba Mooryaankii ayaa qoriga cabbaystay, ka dibna dhowr xabbadood beerka iyo wadnaha ku kala jeexay Beeraaleygii badarka lahaa..!!!

Dadkii Suuqa joogay, ee isugu jiray Beeraley, Warato, Geddisley, Dallaal, Abakaar, Beec-mushtar iyo socoto/gadato, ayaa wada ashahaatay oo ka naxay, kana argaggaxay fal-dembiyeedka foosha xun iyo isu awood sheegashada xadkeedii dhaaftey.

Eheladii iyo Saaxiibbadii Marxuumka ’ ayaa Meydkoodii iska qaatay, iyaga oo ku soo gaabsaday Erayo ay ka mid ahaayeen: "Ilaah baa jooga, Adigana Allaa kaa weyn oo kaa aari doona," Ibtilo iyo Inkaar ha ku asiibeen..." iwm. dabadeedna iyaga oo ilmaynaya, kuna luuqeynaya "Laa Ilaaha Illa-llaah" ayay Meydkoodii ula dhaqaaqeen dhankii Tuuladooda.

Tobaneeyo Kintaal oo Galleey, Sisin, Masago, Digir, Salbuko iyo Lows isugu jira oo kulligood, sida muuqata, dhac iyo qori caaraddii uu ku keenay ayuu isku leexsaday Mooryaankii. Markii ay Maqribyadii ahayd ayuu ku soo rartay Baabuur xamuul ah (Siteey/Xaajiyo ) oo dhanka Muqdisho iyo Suuqyadeeda waaweyn u soo socday. Kintaalladii ayuu soo dul-fariistay, isagoo qorigiisa ku hubaysan... Baabuurka shirkiisa hore waxaa ku jiray wadaha iyo laba nin oo kale oo Sheeko iyo qayilaad isaga mashquulsanaa.

Markii uu Gaarigu Magaalada Shalambood ka soo leexday oo waddada toosan isla soo dhigayba, wuxuu Mooryaankii "Alle" ku salliday Lulo (Gamaanyo) waalan iyo hurdo uu "Malakul-Mowd" ku hoos jiro. Wuxuu ka dhacay Baabuurkii, laakin, labadii Lugood ee Mooryaanka ayaa ku calliqmay oo qabsaday Albaabkii dambe ee baabuurka; madaxiisii iyo qaarkiisii horana Waddada Laamiga ah, burbursan ee godadka leh ayay ku jiidmayeen; laamigaas oo marba cad hilibka Mooryaanka ah la harayay, fuqsanayay oo goosanayay..!!!

Wixii Qeylo, Cabaad iyo Oohin ka baxayay Mooryaanka cid maqlaysay ma aaney jirin. Mugdi bay ahayd waddadu, nabadgelyo xumo awgeed baana loo faaruqiyay. Baabuurku duug ayuu ahaa oo cod dheer ayuu gadaal ka bixinayay, kaas oo diidayay in la maqlo shanqar iyo dhawaaq kale midnaba. Marnaba ma aaney maqal ragga hore saarani waxa gaariga gadaal ka yeeraya, dhulkuuna ku jiidmayay Mooryaanka ilaa uu ka dhintay, isaga oo qaybo hilibkiisa ahina uu laamigu la soo haray, dhiig baxayna. Murti Caalami ah ayaa tiraahda: "Caddaaladdu iyada ayaa hadasha".

Markii la soo gaaray Jid-gooyo ku tiil agagaarka Nambar 50, la hakiyay Baabuurka, Tooshna lagu qabtay Albaabkiisa dambe, ayaa lala kulmay Yaab, Naxdin, Argaggax iyo Ammakaak, kaas oo ahaa qaabki ciqaabta u muuqday ee uu u dhintay Mooryaanku.

Waxaa isku hal habeen iilka aakhiro u wada hoyday Ninkii gardarrada lagu dilay iyo Mooryaankii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee dilay. Xisaabtan iyo Xukun Aakhirana waa meeshood.

Soomaaliduna waxay tiraahdaa:
a) Ruux gardarani ma guuleysto
(b) Ruux aan naxariisan looma naxariisto
(c) Ninkaan cabsan waa loo cabsadaa
(d) Waa lagu kala jabaa Kibirka
(e) Safar Alle ninkii siray iyo nin saqiirro gowracay, sidii ay lahaayeen, wax baa lala sugaayaa…!!!

WQ:
Muxyaddiin M.Kaalmoy
[email protected]

315 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (2 posted)
  • wasaq aan edeb laheyn baatihiin dameerayahow dameerihiinii ku noqda dhuusadoodii iyo bii jadii iyo lugahii dalbaha lahaa oo tanaga idinla kala qalooday baa taqaanaane.Ama mabtalka ugeeya naagahiina gaalayahay aruurtay.
    (Posted by damiirle, December 25, 2007, 6:58 PM)
  • kaas waxaa ka xun midka gaal raacay oo ilaahey ku caasiyey waxaana la yaableh waxaad hada waxaas u sheysaan marka aad kufsateen naagihii gabdhihii yaryaraa aad dhacdeen maalkii aad disheen rag,dumar iyo caruurba,markii dadkii qaxeena aad u diideen badarkii iyo biyahii iyo daawadiiba marka waxaad iisheegtaan waxa uusuubiyey shaqsigaas miyaad diintii ilaahey uga baxdeen oo xaqii u iloowdeen mise qabiil iyo qurun idunku jira aawgiis baad u iloowdeen diintii dhameyd,waanasiibdaro in falalkiina ee bini aadanimada ka baxsan aad ku dabaqdaan wax uu suubiyey shaqsi tuuguna caado waxa uleh waa la'ogyahay ee edeb afkiina uyeela dameerayahow sineestayaasha gaalaraaca ah .
    (Posted by somali, December 25, 2007, 6:53 PM)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Ahmed Aden Ibrahim

Speaks English,Writing, Speaks Somalian ,and writing