Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaciyay in uu aad uga yaaban yahay aamusnaanta beesha Caalamka ee ku aadan gumaadka Ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan guud ahaan Somaliya iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sheekh Aweys oo hadal siiyay wargeyska Asharqal Awsat ayaa ku waramay in Beesha Caalamka ay iska indha tireyso waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ku aadan xasuuqa shacabka iyo gumaadka Jimaaciga ah.
Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah isbaheysiga Xoreynta Somaliya ayaa ugu baaqay Wadamada Carabta,Ururka Jaamacadda Carabta,Ururka Mu'tamarka Islaamka,Ururika Midowga Afrika iyo QM in ay u duubtaan sidi dalka looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya.
Sheekh Xasan Daahir waxaa uu yiri''Taariikhda ayaa qori doonta gumaadka Itoobiya iyo aamusnaanta beesha Caalamka''waxaa uu intaasi ku daray in uu la yaaban yahay aamusnaanta Midowga Yurub ee ku aadan arimaha soconaya xilli ay aad u buun buuninayaan arrimaha gobolka Darfur.