Jimcahii ayuu dagaal aad u kharaar waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadaasi. Dagaalkaani waxa uu bilowday markii ciidamada Itoobiya ay isku balaariyieen deegaano ka tirsan degmooyinka H/wadaag, Wardhiigley iyo Yaqshiid.
Ciidamada Itoobiya markii ay xireen wadooyinka ayaa waxaa bilowday rasaas yar yar kadibna waxaa ku xigay qaraxyo, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay dib u gurtaan, waxaa sii xoogeystay dagaalkii, waxaana soo galay shacabka oo isugu jiray rag, dumar iyo dhallinyaro, waxayna wararku sheegayaan in dagaalkii ka dhacay Black Sea ciidamada Itoobiya looga dilay afar Askari, dhowr kalana loogu dhaawacay, hase yeeshee rasaastii ay rideen ayaa waxaa ku dhintay labo qofood.
Dagaalka xooggiisa ayaa shalay ka dhacay Xaafadda barwaaqo ee ka tirsan Gubta, Towfiiq, Carafaat ilaa iyo suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in meelaha qaarkood gacanta la iskula tagay, waxayna dad goob joogayaal ahi sheegeen in ciidamada Itoobiya laga dilay ilaa iyo 12 askari, waxaana la arkayey iyadoo la jiidayo maydka ciidamada Itoobiya, balse waxaa dadka looga digayey in ay gubaan, waxayse shacabku jiiditaan ku marsiiyey wadooyinka Muqdiso.
Ciidamada Itoobiya ayaa shalay dib ugu soo gurtay xerooyinkoodii, waxaana xalay meelaha qaar laga maqlayey rasaas goos goos ah, iyadoo wararka sheegayaan in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa cusub ee haatan Muqdisho soo gaaray yihiin kuwo qafaal lagu keenay, iyadoo kuwii horey u joogi jiray dib loogu celiyey Itoobiya gudaheeda. Ciidamada Itoobiya ayaa xiray wadooyinka soo gala Muqdisho, waxayna bilaabeen in ay celiyeen Gawaarida sida Caanaha, Dhuxusa iyo kuwa kale, waxayna Gawaaridu soo jeexayeen wadooyin luuqyo ah. Isku soo wada duuboo xaaladda ayaa u eg mid kacsan. Shacab doonayey in ay Magaalada ka baxaan ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kadib markii ay ciidamada Itoobiya iska hor istaageen.
(Posted by guled hagar, November 3, 2007, 3:49 AM)