header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Xaq u dirirka oo gaadiid ka furtay maleeshiyo Mbagathi ah oo fariisin ku lahaa suuqa Dayax.

By bilaajo1974 on October 31,2024

Xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed ayaa weeraray fariisin ay maleeshiyo Mbagathgi ah ku leeyihiin suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayax.

Weerarka oo dhacay abaaro 10:00 barqanimo ayey xoogagga xaq u dirirku kula wareegeen gaadiid dagaalka iyo gaan ku heynta suuqa Dayax, waxaana ka hor intii aaney xaq u dirirku gacanta ku dhigin halkaasi ka dhacay iska hor-imaad daqiiqado socday.

Xoogagga xaq u dirirka ayaa wararka laga helayo deegaanadaas ay sheegayaan in ay maleeshiyada Mbagathi ka furteen 2 gaadiidka dagaalka ah, waxaana xaq u dirirku ay muddo saacado ah ku sugnaayeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayax, iyadoo ay jiraan warar isi soo taraya oo ku aaddan in tiro maleeshiyo Mbagthi ay ay ku naf waayeen weerarka.


Weerarkaan ay xaq u dirirku ku qaadeen barqo cad fariisin ay maleeshiyo Mbagathi ah ku leeyihii halkaas ayaa qeyb ka ah weeraro iyo dagaalo oo maalmihii u dambeeyey ay xoogaggu la beegsanayeen fariisimaha cadowa iyo kuwa u adeegga.

268 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 10 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author