header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Prof.Geeddi oo si deg deg ah ku amray in la sii daayo Gud. Maxkamada Sare iyo xariga Gudoomiyaha oo la sheegay in Madaxweynuhu amray.

By bilaajo1974 on September 22,2024

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa si deg deg ah u amray in Xabsiga laga sii daayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Soomaaliya Mudane Yuusuf Cali Haaruun.

Kulan maanta Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho uuna shir gudoominayay Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa lagu go'aamiyay in la soo daayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare, isla markaana shaqada laga joojiyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka.

Warar la helayo ayaa iyana sheegaya in Xariga Gudoomiyaha uu amray madaxweynaha, taasoo maalintii shalay ay hoygiisa ka soo kaxeysteen Ciidamada Madaxtooyada oo Madaxweynaha beeshiisa ah.

Waxaa muuqata in wali Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha uu u dhaxeeyo loolan dhinaca Awooda ah, waxaana tani ay sii kordhineysaa khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Labadan Mas'uul oo maalimihii u dambeeyay ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Xariga Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun oo dadka intiisa badan soo xasuusisay xiligii dowladii Maxamed Siyaad Bare ee dadka leysaga xiri jiray iyagoon aan danbi soo galin.


282 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 7 votes)
Comments (1 posted)
  • waxaa nasiib daro ah in maanta waxa dhacaya iyo wixii horay u dhacay isku mid laga dhigo maxaa yeelay maanta wadankii soomaliya gumeysi xabashi ayuu ku jiraa wagii maxamed siyaad xabashi ma haweysan karin caasimada somaliya ee muqdisho ma wax isku mid laga dhigaa waayihii somaliya soo maray iyo maanta kuwiinaan xabashida jecel
    (Posted by yaxyax, September 23, 2007, 10:17 AM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author