header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Exclusive: Col. Yusuf Oo Ethiopian-ka ku Wareejiyey Gawaari Dagaal & Prof. Geedi Oo Sharuud ku xiray.

By bilaajo1974 on September 28,2024

Iyadoo sida uu qorshuhu yahay Hub ka dhigis xoog leh la doonayo in lagu sameeyo Madaxda DKMG Somalia, ayaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu shalay markii ugu horeysay gawaari dagaal ku wareejiyey Ciidamada Ethiopia.

 


Ilaa 25-Gawaarida Dagaalka ah iyo ciidamadooda ayaa la xaqiijinayaa in Madaxweynaha Dowladda KMG Col. Yuusuf uu gacanta u galiyey Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Caasimadda, sida ay sheegayaan ilo-lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada.


Ciidamadan oo ah kuwii ugu horeeyey ee lagu wareejiyo Ethiopia ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa dib loogu celin doonaa tababar muddo sanad ah lagu siin doono xerooyin aan la carabaabin.


Tallaabadan Hub wareejinta ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshaha hubka looga dhigayo Madaxda DKMG ka dib markii uu hareeyey khilaafkii ugu xooganaa abid Col. Yuusuf iyo R/wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi.


Hase ahaatee R/wasaare Geedi ayaa ilo-muhim ah oo ku dhow dhow waxa ay xaqiijinayaan inuu shuruud adag ku xiray wareejinta Hubkiisa, isagoo Ethiopia u sheegay in hadii ay doonayso inay talaabooyinkeeda u hagaagaan ay marka hore hubka ka dhigto Maamul Gobaleedka Puntland ee uu Col. Yusuf hayb ahaan kasoo jeedo.


Si kastaba qorshahan hubka dhigiska madaxda DFS ayaa ah mid ah Ethiopia ku doonayso in ay ilaa 10,000 oo askari kula wareegto gacan ku haynta Caasimadda, iyadoo taasina ay walaac hor leh oo aad u daran ay ku beertay shacabka tirada yar ee wali ku harsan Magaalada kuwaasi oo aan garaneyn meel ay maciin-bidaan maanta oo ay afka saaraan


644 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 11 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author