Koobkii Ramadaanka oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SOSCA ayaa xalay oo taariikhdu aheyda Sabti 06, 2007 si wanaagsan ku dhamaaday. Ciyaarahaa oo lagu qabtay Soccer Center, Toronto. waxaa ku looltamayey, Windsor, Simba, Superstar, Siaf, Gaashaan iyo Waayo arag.Waxaana kamadanbeysta isugu soo haray Kooxda Siaf iyo kooxda Simba.
Xaqiiqadii labada koox waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u sareeysa oo dadweynaha daawanayey ay aad ugu riyaaqeen. Waxeyna ku dhamaatay 4 - 2 oo ay ku badiyeen kooxda Saif.
Ciyaartii kamadanbeysta waxaa ka horeysay ciyaar ay isaga horyimaadeen laba koox oo rugcadaay ah.
Xiritaankaas oo si wanaagsan loo agaasimay. Fanax ayaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha ururka SOSCA Ahmed Abdikariim Walaayo “Canter Jeenyo” oo mahadbalaaran u soo jeediyey ciyaraartoyda, dadweynihii daawanayey iyo masuuliyiinta soo qabanqaabisay tartankan. Waxa uu si qaas ah ugu mahadceliyey kooxda Windsor oo dadaal dheeraad ah muujisay. Ahmed Almthari, Nuur Rooble, Xuseen Faragaab iyo kooxda oo dhan.
Marti sharaf waxa ay ahaayeen, Macalin Tuke, Macalin Muuse, Maxamed Ali, Dr.Omar Maxamed iyo Bashir Farax.
Cayaatory ugu firfircoon waxaa ku guuleysatay
Abdirahman oo ka tirsan kooxada Saif waxaa gudoonsiiyey gudoonsiiyey Fanax
Tartanka Goolasha waxaa ku guuleysatay Samiir oo ka tirsan kooxada Windsor waxaan Mohamed Ali
Ciyaar wanaag ( M V P ) waxaa ku guuleysatay Niko oo ka tirsan kooxada Simba waxaa gudoonsiiey Dr.Omar Maxamed.
Asad oo howl weyn u qabaty ururka SOSCA waxaa hadiyad gudoonsiiyey Bashir Farax
Gasoore ciyaarta kamadanbeyta qabtay ayaa waxaa bilad gudoonsiiyey Ahmed Almathari
Wariyaha V O A Ibraahim Daandureey ayaa waxaa bilad gudoonsiiyey Gudoomiye Cantar
Kaalinta labaad waxaa ku guuleystay Simba waxaana gudoonsiiyey Macalin Tuke
Kaalinta Koowaad waxaa ku guuleystay Saif waxaana gudoonsiiyey Macalin Muse
Ahmed Kulmiye
[email protected]
|