Haweeneyda u dhalatay waddanka Ingiriiska ee lagu magacaabo Ziina, Maxamed ahna Xaaska Wiilka Usama Bin Laden ee Cumar Bin Laden oo u warramaysay Wargeyska “Asharqal-awsat” kaddib markii ay ka soo laabatay Cimradii sanadkan ee dhulka barakeysan ayaa waxa ay shaaca ka qaadday in ay qasab ku noqotay in ay iska furto Ninkeeda, kaddib markii ay u cabsatay noloshiisa.
Cumar iyo Ziina oo mageceedii hore uu ahaan jiray Jane Felix-Browne ayaa waxa uu guurkoodu soo jiitamayay hal sano, waxaana ay xustay in guurkoodu uu ahaa mid wanaagsan aadna u adag, inkastoo ay xoogaa ka weyn tahay wiilka Usama, halka da'deedu ay sii caga-cageyneso 51-sanadood, Cumarna da'diisu ay tahay 27-sano.
Ziina oo Ayeeyo u ah 5-Carruur ah ayaa waxay horey u soo guursatay 5-jeer intii aysan is baran ina Bin Ladin Bishii September 2006, waqtigaas oo ay ku wada kulmeen fasax dhulka Ahraamta Masar, iyadoo Cumar Bin Ladinna uu qabay xaas kale, lahaana hal Wiil markii ay is baranayeen Ayeeyadan Ingiriiska ah.
KA AKHRISO HALKAN WARKAN OO AF ENGLISH/ARABIC
Iyadoo hadalkeedii sii wadata Ziina waxa ay sheegtay in aysan marnaba jecleyn in go'aankaasi furriinka ah ay qaadato, jecleydna in ay aragto ninkeeda oo ku dhimanaya dhabteeda, balse furriinkani uu ka dambeeyay iyadoo labada lamaane midba midka kale uu cabsaday Noloshiisa, gaar ahaan Qoyska Reer Bin Laden oo gebi ahaanba ka soo horjeestay Guurkani, sababta ay ku diideenna waxay ku tilmaameen Ziina oo ka dhalatay qoys Ingiriis ah.
Ziina waxaa kale oo ay carrabka ku dhufatay in ay ku qasbanayd in ay ku qanacdo Furriinkani, maadaama wiilka Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida ahna Ganacsade Sucuudiyaan ah mar walba loogu hanjabo dil iyo xarig
Aniga iyo Cumar waxaan si wanaagsan u soo wada gudannay Waajibaadkii Cumrada magaallada Maka, xiriirkeennana mar walba waa uu sii adkaanayay, balse waxaan wax walba rumeystay markii ay aragtay fariimmo hanjabaad ah oo ninkeeda loogu soo diray Mobile-kiisa, hase yeeshee uu ka gaabsaday in uu wax sharraxaad ah ka siiyo”.
Ziina waxa ay ka gaabsatay in ay sharraxaad buuxda ka dhiibto Handadaadaha Cumar uu kala kulmayo Qaraabadiisa iyo weliba Xukuumadda Saudi Arabia, iyadoo xustay in shirkaddiisii guurkooda aawadiis laga jartay Korontadii iyo Biyihii, shaqaalihiina aysan soo xaadirin. Waxaa kale oo ay intaa ku sii dartay in Cumar uu u sheegay in uu haatan u cabsanayo howlihiisa ganacsi, maadaama loogu hanjabay in xabsiga loo taxaabi doono haddii uusan iska furin xaaskiisa.
“Haa waan jeclahay Cumar, laakiin Qadarta ayaanan ii saamaxayn in aan isla sii noolaanno”, ayay tiri Ziina oo sheegtay in Muslimad ahaan ay dareemeyso in furriinkani uusan sharci ahayn, maadaama uu yahay mid qasab ku yimid, iyadoo ku adkeysatay in ay weli jeceshahay Cumar, maalin walbana ay ku wada xiriiraan Internet-ka qaybtiisa wada sheekeysiga ee Messenger-ka, la'aantiisna aysan noolaan Karin.
“Haddii uu Cumar I dhaafay mar dambe ma guursanayo, Jaceylkiisana waxaan la galayaa Qabriga”, ayay tiri Ziina, waxayna ku dhaaratay in intii karaankeeda ah ay ka hor tagi doonto furriinkani ay ku tilmaantay sharci darrada, la tegi doontana Maxkamadaha waaweyn, Qareenna qabsan doonto.
Ziina Mohamed waxaa kale oo wareysigeeda ay ku dartay in Cumar Bin Laden uusan muddo 6-sano ah la xiriirin aabihiis Usama Bin Laden, oo ay ku tilmaantay in uu yahay ninka ugu khatarta badan Adduunka, Dowladda Mareykankana ciddii sheegta meel uu jaan iyo cirib dhigay u ballan qaadday 50,000,000-Milyan oo Dollar.
Geba-gebadiina Ziina waxay sheegtay in maalmahaan ay ku mashquulsan tahay barnaamij ku saabsan xiriirka iyada iyo ninkeeda oo ay ka sii deyn doonto Telefishin ku yaalla Ingiriiska, halka sidoo kalena ay haatan ku guda jirto daabicidda buug ka sheekeynaya taariikhda iyo waqtigii macaanaa ay iskula soo qaateen iyada iyo Cumar Bin Laden Saxaraha Saudi Arabia, Maka & Madiina, Jeddah iyo Riyadh, lacagta ka soo xaroota Barnaamijkan laga sii deyn doono Telefishinka iyo Buuggani ay soo daabici doonto dhowaanna waxa ay sheegtay in ay tabarucaad ILAAHAY dartii u siin doonto dadka masaakiinta ah.