header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Haweeneydii u geftay Diinta Islaamka,ee Somalida aheyd oo laga soo ceyriyay dalka Mareykanka.

By bilaajo1974 on October 02,2024

Ayaan Xirsi Cali oo mar kamid aheyd Xubnaha Baarlamanka dalka Holland ayaa laga raacdeeyay dalka Mareykanka kadib markii dawladda Mareykanka ay sheegtay in aysan damaanad qadan kareyn amaanka haweeneydaasi aysana dooneyn in ay lacago kusii bixiyaan sugida amaankeeda.

 


Haweeneydaasi Somalida ah oo 37 jirka ah ayaa Aduunka ku ciriirtoomay markii ay u geftay Diinteena Suuban ee Islaamka oo iyadu goor hore ay isaga baxday markii lagu khalday Lacagta reer galbeedka.


Aayan Xirsi ayaa la sheegayaa in iminka ay ku sugan tahay dalkaasi Holland oo markii horeba ay isaga carartay markii dalkaasi lagu khaarijiyay ninkii agaasimaha ka ahaa filimkoodii liitay ee lagu afxumeeyay dhaqanka suuban ee haweenka Muslimaatka ah.


Iminka waxaa ay sheegeen masuuliyiinta dawladda Holland in aysan xil weyn iska saari kareyn amaan sugida Xisri isla markana ay ku wargalinayaan in ay feejignaan buuxa qaadato.


Lama oga sida ay ugu noolaan doonto dalkaasi maadaama la baacsanayo markii ugu danbeysayna waxaa ay ku qasabtay nafta in ay ku noolaato Markab dushiisa oo Holland ku sugnaa.


513 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 22 votes)
Comments (1 posted)
  • waxaan leeyahay naagtaas waa naag diinta islamka u gaftay waxaan ka codsanyaa dadwaynaha muslimiinta oo dhan in gabadhaasi in la ciqaabo
    (Posted by mohamed sakako, October 2, 2007, 5:54 PM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author