Ciidamada Nabad-Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa fashiliyey waxyaabo qarxa oo la dhigay wadada dhinaceeda agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM oo marayey xilligaasi agagaarka km4 ayaa dadka deegaanka ay ku wargeliyeen in waxyaabaha qarxa ay ku aasan yihiin halka loo yaqaano waqda oo dhowr talaabo oo kaliya u jirta xeradii hore ee Bollitikniko.
Diiqado ka dib Ciidamada Africa ayaa ku guuleystay in ay qarxiyaan Bambadii ku aasneyd wadada, iyadoona khasaare nafeed aanu halkaasi ka dhicin.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG oo goobta Qaraxu ka dhacay yimid ayaa rasaas ku furay dad badan oo halkaasi isugu soo baxay, iyadoona hal ruux oo rayid ah uu halkaasi ku geeriyooday qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ay rasaasta ula beegsadeen Ciidamada dadka rayidka ah, inkastoo Saraakiil u hadashay ciidamada ay ku andacoonayaan in ay dadka ku kala eryayeen.