header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Warar Dheeri ah oo kasoo baxaya hub uu Sheegtay Cabdi Qeybdiid Inuu qabtay:

By b1laajo on May 10,2025

Tan iyo intii ay xooggaga xaq u dirirku badaleen qaabkii dagaalka ayna inta badan baneeyeen goobihii dagaalka waxaa soo badanaya sheegashada kooxaha calooshood u shaqeytayaalka  ah ee Soomaaliyeed ay ku sheeganayaan inay hub iyo qalab ciidan ka qabteen qaar ka  mid ah xaafadda Muqdisho, ayagoo mararka qaarkood soo bandhigayey sawiro muujinaya hub iyo saanada Ciidan, waxaana hawlahaan horboodayey Cabdiqaybdiid oo ka mid ah damibiilayaasha dagaalka Soomaaliya, oo hadda ay ku magaaceeb  taliye boolis.


Haddaba aayaha.com ayaa baaris iyo dabagal xeeldheer oo uu ku sameeyey arrinkaan waxaa uu kusoo xaqiijiyey in sheegashada kooxda Mbagathi Iyo ciidamada Itoobiya ay ku sheegayanaan in hub iyo saanad ciidan ay  ka qabteen magaalada Muqdisho ay tahay ruwaayad iyo been abuur lasoo abaabulay ujeedada laga leeyahana ay tahay in indhaha beesha caalamaka lagu qaldo loona muujiyo in magaalada Muqdisho tahay meel ammaan u ah Itoobiyaanka iyo kooxda u shaqeysa.


Wararka uu aaayaha .com helay waxay xaqiijinayaan in hubkani  uu yahay hub maalmo ka hor ay meesha hadba lagu tilmaamayo in hub lagu qabtay ay kusii daad gureeyaan Cabdiqaybdiid iyo Maxamed  Dheere iyo saraakiil Itoobiyaan ah kadibna maalmo ka dib lagu dhawaaqo hub ayaan xaafadaas ku qabaney, Itoobiya ayaa ayadu hawalahaan waxay ka leedahay ujeeddo ah in hub lagu qoro magaca Eratariyo,   si Eratariyo loogu eedeeyo inay hubayso kooxaha Muqaawadama,waxaana inta badan fikradaan iyo hubka leh Itoobiya laakiin waxaa shaqada fuliya Cabdiqeybdiid iyo Maxamed Dheere oo ay magacaabidooda ka dambeysay xukuumadda Addisabab,  sida ay xaqiijiyeen ilo ka ag dhaw madaxda kooxda  Mbagathi.


Illo wareedyada aan kala xiriirney magaalada Muqdisho si qote dheerna u la socda arrimahaan ayaa war bixinta intaas noogu daray in bartilmaameed laga dhigto xaafadaha ay ku badan yihiin dadka taageero muqaawamada kadib na guri ka mid ah intii calaamadeysto hameynimo lagu daabuula hubka iyo wax yaabaha ay doonayaan inay soo bandhigaan gaar ahaan guryihii ay dadkii lahaa ka qaxeen  ayey u adeegsadaan been abuurkaan ay ku doonayan inay ku qaldan indhaha soomaalida iyo aduunka intiisa kale.


Su`aasha iswaydiinta mudan  waxay tahay haddii ay ku guulaysteen inay meel kasta oo hub yaal kasoo fagaan maxay ugu guulaysan waayeen inay soo qabqabtaan madaxdii iyo hoggaamiyeyaashii wax iska caabinta oo wali ka shaqeynaya in dalka laga xoreeyo cadowga kusoo duulay walina kusagan gudaha dalka ayna muqdisho kamid tahay, dhamaan wax yaabahaas oo dhan waa dhooltus siyaasadeed oo la doonayo in lagu niyad jabiyo Mujtamaca Soomaaliyeed ee doonaya in dalkiisa uu xoreeyo.


405 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 14 votes)
Comments (1 posted)
  • sxb waad mahadsantihiin
    (Posted by mow, May 10, 2007, 9:49 AM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed