header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Shiekh Shariif oo sheegay in uusan dhamaanin ..

By b1laajo on April 29,2025

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aaney dhamaan muqaawamada umadda Soomaaliyeed ay isaga xoreyneyso cadawga soo jireenka ah ee ku soo duulay dalka, isagoo beeniyay wararka sheegaya in uu soo afjarmay muqaawamadii shacabka uu hormuudka ka ahaa.

Sheekh Shariif oo hadal siiyay talafashinka Aljazeera ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go'an tahay sidii uu isaga xoreyn lahaa cadawga qabsaday dalka, isagoo ku nuux nuuxsaday in muqaawamada aaney joogsan, weligeed aaney joogsan doonin inta ciidamada Xabashida ay ku jiraan ciida Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku gacan seeray hadalka ka soo yeeray calooshood u shaqeystayaasha ugu sarreeya kooxda Imbagaati ee ah in la soo afjaray dagaaladii Muqdisho ay ka wadeen xarakaadka wax iska caabinta, isagoo caddeeyay in umadda Soomaaliyeed aaney jirin wax ay ku doorsaneyso xoriyada, saa daraadeed ay sii wadeyso muqawamada nooc kasto ay ahaataba.

Hadalka ka soo baxay masuulka ugu sarreeya golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmay xilli dagaalyahanada muqaawamada ay abaabul ballaaran ka wadaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka kaasoo ay ugu diyaar garoobayaan sidii weeraro lagu hoobto ay ugu qaadi lahaayeen fariisimaha cadawga ayagoo haatan ku hawlan wax ka badilada istaraatiijiyadii ay ku dagaal galayeen


573 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 49 votes)
Comments (1 posted)
  • afka hadal waa laga dhaama dagaalkii wuu dhamaaday TUUG sharif maxaa qaadi kartaa. Umada somaliyeed deb inaad ku shidid ma'ehee maxaa kali aad ku talin lahayd
    (Posted by adan, May 1, 2007, 5:37 AM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed