header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Ciidamada Dowladda Somalia Oo Maanta Meel Fagaaro Ah Ku Gubey Indha Shareero,Ay Gabdho Si Qasab Ah Uga Fureen.

By b1laajo on May 08,2025

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa Maanta Meel Fagaaro ah ku Gubey In Dha Shareero Aad U Tiro Badan kaasoo ay Ka fureen Haween u xirnaa In Dho Shareeradaasi.

Isgoyska Howl Wadaag ee Magaallada Muqdisho ayaa waxaa uu maanta ahaa Mid Mar qura uu ku yimid gaabis socdaalkii Gabdhaha Markii Gabdho fara badan Mar qura Indho Shareero ay xirnaayeen lagu Gubey halkaasi.

Meel Fagaaro oo isgooyskaasi ka tirsan ayey ciidamadaasi Maanta ku gubeen Indho Shareeradaasi, oo gabdhaha si qasab ah looga furaayey indhashareeda.

Dhacdadan ayaa waxaa ay naxdin gallisey shacabka Reer Muqdisho iyadoo illaa iyo hadda aaney jirin amar si toos loo shaaciyey oo ka soo baxey maamulka Gobolka oo lagu xarimayo Indho Shareerka.

 


393 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 12 votes)
Comments (1 posted)
  • waxaa cad in ninka dawladda somaliyeed faraha ku dhigay ay cadaysteen gaalnimo ama u adeeg dano kufaar. siday ku dhacday in qof dumar ah of muslimad ah dharkii ay isku asturaysay la xayuubiyo oo la gubo. waxaasoo kale waa, duqoniimo iyo diinlaawenimo. xataa dawladdan ingiriiska oo ah dawlad maamusha wadan dadka badankiisu yihiin kiristan way ka xishootaa in waxaas oo kale ay samayso inkastoo aanay jeclayn xidhashadooda. waxa aad gubaysaan waa dhar islaam ee maxaad ka yeelaysaan kuwa macatabka xidhan? ma gubi doontaan? mise kaas kuma dhacdaan? waar ha gaaloboonina oo gabdhaha ha qaawinina oo yaan diinteena wanaagsan ee islaamka yaan la dhibaatayn. waxaa cad in dawladan hadda ka jirta somaliya in aanay ka hadlayn waxyaabaha shacabka somaliyeed ay danta u arkaan ee ay waqti badan ku luminayaan waxaayabo dadweynaha somaliyeed aan quseyn dantooduna ku jirin. sida barlamaanka aan la soo dooran ee somaliya oo inta ay isu tegeen, sida la sheegayo ansaxiyay sharciga la dagaalanka waxay ay ugu yeedheen argagixisada. baarlamanku ma mushkilad kale oo ay ka doodaan bay waayeen, waqti bogolaal kun barakaceen, waqti kumanaan naftooda waayeen, waqti wadanka ciidamo amxaaro ah ay xasuuqayaan shacabka somaliyeed. baarlamanku dhaawac bay sumcaddooda u geeysteen ee ha is daweeyaaan oo ha gartaan waxa shacabkoodu ka sugayo oo ah in ay u adeegaan danaha shacabka dulman halkii ay uga adeegi lahaayeen xukuumadda ama dano shisheeye. sida hadda muuqata laga wanaagsan ee wax ha ka bedelaan. allaa mahad leh, ninkii aaminaa awood leh musse dualeh london.uk
    (Posted by MUSSE DUALEH, May 8, 2007, 4:45 PM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed