header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Ethiopia & Kuwa Imbagathi...

By b1laajo on May 03,2025

image
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo aan la garan ayaa xalay fiidkii weerar ba'an ku qaaday fariisimo ay joogaan Maleeshiyaadka Imbagathi & kuwa Ethiopian-ka ee deegaanka Suuq Bacaad,iyadoo weerarkaasi khasaare u geystay....
Weeraraan oo dhacay 8-da fiidnimo ee xalay ayaa kooxaha hubeysan waxaa ay rasaas huwiyen fariisimo ay si wada jir ah u wada fadhiyeen cidamada labada dhinac iyadoo halkaasi khasaare uu ka dhashay, waxaana la sheegaya in halkaasi mid kamid ah askarta Maleeshiyaadka Imbagathi uu ku dhintay, Askari Ethiopian ahna uu ku dhaawacmay, lama oga ilaa hadda kooxihii weerarka soo qaaday cidii ay ahaayeen hayeeshee maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa qaar kamid ah dadka deegaanka ay ku baaqayeen ciidamada Ethiopian-ka in ay ka baxaan goobaha sida gaarka ah loo leeyahay oo ay fariisimaha ka dhigteen ee ku yaala degaanka Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, waana weerarkii ugu horeeyay ee ka dhacay magaalada intii uu istaagay dagaalkii ka dhacay Muqdisho.

330 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 10 votes)
Comments (1 posted)
  • Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto. Salaan kabacdi waxaan aad ugu faraxsanahay ,hadalada qaarkood sida kan kor ku qoran eed sooheegteen,wax alla wixii ka soo horjeeda xabashi gaal ah iyo in ta uu xaaraanta ku wato, ee dowllad is ku sheegta ah. Ee ummadeenii dhibaato ay iyaga keensadeen mudo badan haysatay dhameeyey kana dhigey wax qaxa, in ladilo oo baasuuke lagu garaaco iyo in xabsiyada xabashida ku jirta,waxaan illaah ka baryeeynaa in uu ilaahay ummadiisa ka bixiyo dhibaatadaan ku habsatay Aamiin Amiin. waad mahadsantihiin. Thanks.
    (Posted by Xiimaay, May 3, 2007, 9:01 PM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed