Soomaalida wexeey ku maahmaahdaa ”Intaadan Falin ka Fiirso” Bani aadamigu ilaah wuxuu siyey aqli uu ku kala garanayo xumaan iyo wanaag,waa marki qofka caafimaad qabo haduu waalan yahay ficeladiisi wax ka soo qaad ma laha,ileen ma aha qof caafimaad qaba
Inta caafimaadka lagu tirinayo ayaa waxaa laga helaa,dad nuuc kastaba leh, mid wanaagsan iyo mid xunba Markaan dhaheeyno Qof wanaagsan wuxuu yeelan karaa sifooyin fara badan oo wanaag ah
Hadaan sifooyinka ama calaamooyinka ugu waa weeyn ee wanaaga ah aan mid ka soo qaadano waxaa ka mid ah baa la dhihi karaa Qof allihiisi”waa ilaaha na abuurtayee”caabuda Bani aadamiguna nabad geliya wixii wanaag ah na u sameeya Qof ka xun waxaanu dhihi karnaa Qof alihiisi ku caasiyey Bani aadamiguna uusan nabad gelineeyn af iyo adinba
Soomaalidu wexeey tiraahdaa ruuxaan alle ka yaabeeyn naftaada uga yaab
Madaxda aduunyada Muslim ama Gaalo,halla doorto ama xoog ha ku qabsadaan xukunka
ujeedadoodi wexeey tahay ineey dadkooda iyo dalkooda hor mariyaan,iyadoo meeshana ka marneeyn dano dhaqaale raadis ah ama madaxtinimo doon ah,ileen madaxda wexeey ka mid yihiin bulshada sinna ugama maarmaan shacbigooda maadaama ay ka dhasheen
Nasiib daro madaxda Soomaalida lagu soo dhisey Imbegati Kenya badi ahaantooda dhalasho wadamo fara badan kala wata Caruurtooda iyo Xaasaskoodina dibadaha ku nool,wexeey shacabkii wakiilka ka a ahaayeen wax qabad koodi ka dhigey gumaad iyo barra kicin mid aan abad la arkin taasoo ka sii daran cadaw Kirishtaan”Gaal”oo dhiiga Soomaalida u haraad qabey dalka gacanta loo geliyey,madaxdaasi Caruurta ay dhaleen iyo Xaasaskooda ka fogeeyey halaaga meesha ka socda.Madaxdaasi kan uga sareeya iyo kan ugu hooseeya kuma xisaab tamin denbiyadani ay galayaan oo ah gumaadka dadkooda iyo gumeeysiga Kirishtaanka ay keeneen dalka in ka jawaabi deeda sugeeyso goor ay noqotaba
Waayo dadka ay leeynayaan ma aha dhagaxaan qofkii Aabihii la diley Hooyadii la diley Walaalihiisi la diley Caruurtiisi la laayey Hantidoodi la burburiyey Dalkoodi la qabsadey inuu san marnaba kaa hareeynin taasi waa hubaal
Dowlada kumeel gaarka waa tan Imagaati lagu soo dhisey , Xabashida iyo Ameerikaanka oo calaamada cagaaran u shidaya ay geesteen gumaadkii iyo bara kacintii aduunka ugu xumeeyd ayeey ku sameeyeen shacbiga Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed,taasi wexeey ugu qorontahay taariikhda lama iloobaanka,ficiladaasi fuusha xun ay sameeyeen
Sida caadada ah oo taariikhda na bartey ugu dan beeynta guusha ku dan beeyn doonto Xaq u dirirka
Taariikhda qooyan oo aanu aragney ayaa noo macalin ah
Yuhuuda markeey qabsadeen Lubnaan oo ay u sameeyeen doowlad magac u yaal ah Halkeey ku dan beeysey! Ruushaka markuu qabsadey Afgenistaan uu u sameeyey dowlad magac u yaal ah halkeey ku danbeeysey!Ameerikaanka kadib qabsadey Afgenistaan uu u sameeyey dowlad magac u yaal ah oo maanta saaran calaamad su aal ?
Ameerikaanka markuu qabsadey Iraaq uu u sameeyey doowlad magac u yaal ah oo maanta saaran calaamad su aal ?
Ethiopia qabsatey Soomaliya uu u sameeysey doowlad magac u yaala ah oo saaran calaamad su aal ? Jawaabteedana waa guusha ineey ku dan beeyn doonto xaq u dirirka
Xasuuqa shacabka Soomaalida loo geeystey iyo gumeeysiga la keeney ineey xisaab ka danbeeyso xiska ku haya