header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

FAALLO: QAYAANADII UGU WEEYNEEYD EE SHACBIGA SOOMAALIYEED LOO MALEEGEY

By b1laajo on May 07,2025

Qayaano wexeey yeelan kartaa micnooyin fara badan laakiin waxaanu ka soo qaadaneeynaa  Qayaano qaran shirkii lagu qabtey Imbegati Kenya 2002 wuxuu ahaa mid lagu doonayey Soomaaliya in lagu qabsado qorshahaasina wuxuu a haa mid laga soo shaqeeye lagu soo fara yareeystey quburo Ajaanib ah iyo dad Soomaaliya ah ayaa ka shaqeeyey ,laakiin dadka badi a haan wexeey moodayaan inuu ahaa shir biloow ahaa xeerarka iyo distuurka halkaasi lagu dejiyey oo lagu magac darey Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya

 

Axdigaasi la sameeyey  waxaa ookiyaalo loogu gelinaayey ”lagu indha tirayey” dadka aqoonta leh ee qalbiga wanaagsan sii loo qaldo,inta qab qab layaashana waxaa loo qorsheeyey in lacag iyo balanqaadyo darajo loosameeyo ileen iyaga ujeedadooda waa intaasi oo keliya 

 Kuwa aqoonta leh ee dal jaceelka ku dan beeysana waxaa la tusiyey Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya la yiri aqrista sharcigan baan isku maamuleeynaa


 Qorshaha la qorsheeyey wuxuu a haa Madaxweeynaha Soomaaliya  inuu noqdo Cabdulaahi Yuusuf Axmed Ra`iisal wasaarana Cali Maxamed Geedi Gudoomyaha baarlamanka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) sida qorshaha loogu tala galey,markii madax weeynihii korsigii ku fadhiistey Cabdulaahi Yuusuf ee qorshahaasi hirgaley


Ra`iisal wasaaraha sida sharciga Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya dhigayo waa in laga dhex doortaa xildhibaanada,Cali Maxamed Geedi kuma jirin xil dhibaanada laakiin inta Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya la sameeyn ayaa qorshahani diyaar a ahaa Geedi in laga dhigo Ra`iisal wasaare


 Waxaa  ka dib laga soo geliyey Cali Maxamed Geedi (Darriishada) markuu Maxamed Dheere iska casilay xildhibaanimadii Baarlamaanka waxa uu sheegay in isaga iyo Beeshiisu ay isla garteen in Prof Cali Maxamed Geedi uu badalo.Laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu faah faahin dheeriya ka bixiyo sababta keentay in xilligan Booskiisa xildhibaanimadda lagu badalo Cali Maxamed Geedi halkani ka aqri sabata Mohamed Dheere isku casiley riix halkan www.radiofreesomalia.com/jeneral.htm


Qorshihii sidii loogu talagaley waxaa ka maqnaa Adan Maxamed Nuur Madoobe oo booskiisi galay Shariif Xasan Sheikh Aadan laakiin taasi  qorshaha la abaabuley looma arkeeynin mid  aqabo ku ah ama ka hor istaageeyso qorshaha degsan waxaa loogu tala galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan hadii qorshaha ka horyimaado in laga taqaluso oo la dilo kadibna booskiisi la keeno Adan Maxamed Nuur (Madoobe)


Aadan  Maxamed Nuur (Madoobe) oo waxbarasho aasaasi ah aan soo marin wuxuu waxbarashada dadka waaweyn ku howlanaa illaa sannadkii 1975-kii, kaddibna wuxuu cilmi raacasho diinta Islaamka ah u tagay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose  Sannadihii 1992-dii illaa 1995-kii wuxuu noqday Aadan Madoobe Guddoomiyaha Degmada Xudur, 1995-kii wuxuuna ka mid noqday aasaasayaashii ururkii Rahanweyn Resistence Army (RRA), isagoo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ka noqday.


Wuxuu xiriir fiican la lahaa dalka Ethiopia oo RRA-da laga taakuleyn jiray,iyadoo uu hoggaamiye ka ahaa Col. Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud


Warbixintani waa CV (curriculum vitae)  uu ku sheegayo aqoontiisi iyo waayo aragnimadiisi,taasoo uu doonayo inuu noqdo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed


Hanka ama hamiga Aadan  Maxamed Nurr(Madoobe) uu ka lahaa Hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu had iyo jeer ahaa mid taagnaa,wuxuuna marwalba isku haystay inuu mar uun ku guulaysan doono jagadan oo ah Gudoomiya Baarlamaanka taasi waxaa cadeeyneeysey qorsho hoosaad jirey oo a haa qaarjinte dilka marka la dilo Shariif Xasan Sheikh Aadan kadib Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) loo doorto Gudoominimada Baarlamanka Soomaaliyeed.


Halkanina wxaad ka aqrisan kartaa  qoraal soo baxay feb 1. 2007 oo looga hadlayo Aadan Madoowe inuu weligiisi is ku heeystey inuu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed taasoo uu ogaa in laqaarjin doono”la dili doono”Shariif Xasan Sheikh Aadan  ka dibna isaga lagu bedelo

 Shariif Xasan Sheikh Aadan”waayeel wedkii dili lahaa wuu yaqaana”isaguna waxaa ku jirtey


cabsi ah in ladoonayo in laga taqaluso ladilo taasoo sababtey mar inuu Muqdishu gabaad ka dhigto mar Djibouti  iyo wadamo kale


Shariif Xasan Sheikh Aadan  markastaba hadalkiisi waxaa ku badan oo yiraahda  ”xildhibaanada waa dad la heeysto oo aan xur a heeyn” taasoo ula jeedey Shiriifka cidii ka hortimaada qorshaha la doonayo in la fuliyo in la qaarijin doono


Halkana waxaad ka aqrin kartaa qoraalo soo baxay markii dowlada ku meelgaarka la dhisey 2004 oo looga hadlayey sideey noqon doonto iyo u jeedooyinkeedi iyo qorshaha loogu tala galey in lagu fuliyo qoraalkaasi oo ku jiraan figradaha dadka la soo uruuriyey wexeey la tahay   doowladaasi inta badan dadka la warsadey su`aalaha wexeey sheegeen oo maanta dhaboowdey oo aanu indhaheeni ku aragney waxaaba soo xasuusanaa  murtida dhaheeyso”wax la sheego wax la shahuudaa ka fiican”taasoo macnaheedi noqoneeyso qoraalkani waxaa looga hadley figrad a ahaan sanadku markuu ahaa waa markii doowlada la dhisey 2004  maantana ka soo wareegatey  sedex sanadood waxaanu ku aragney indhaheeni sida wax u dhaceen sidaad uga bogatid qoraalkaasi halkan riix

 Qorshahaasini sidii loogu talagaley beey ku dhacdey waxaa laga dhigey Ra`iisal wasaare Cali Maxamed Geedi dadka  qaar wexeey yiraahdaan qorshuhu wuxuu ahaa Madaxweeyne inuu noqdo Cabdulaahi Yuusuf,Ra`iisal wasaarana laga dhigo Mohamed Dheere sababtoo ah Maxamed Dheere waxaa keligiisa gacanta ku haheyey maamulka Joowhar gobolada kale hadii laga bixiyo Waqooyi Galbeed iyo Pudland inta kale waxaa gacanta ugu jirey qab qab layaal farabadan oo is diidan oo aan isku ujeedo aan a heeyn,sidaasi awgeed ayaa Maxamed Dheere loo arkayey in looga faa ideeysto gobolka keligiisi ka taliya iyo arin Qabyaaladeed maadaama qorshuhuna yahay meesha loo socdo koonfurta-Mugdishu Jowharna Mugdishu kaabada u saaran


Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya inuu a haa qayaano lagu qaldayey Soomaalida bal aqri qodobka 47 oo dhigayo


wasiirka koowaad waa inuu xubin ka yahay golaha shacabka


 QODOBKA 47 


 SHURUUDAHA WASIIRKA KOOWAAD IYO KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD.

 1)    wasiirka koowaad, ku xigeenada wasiirka koowaad,wasiirada iyo wasiir ku xigeenada waa in ay             buuxiyaa shuruudaha soo socda.

 a)    in uu yahay muwaadin jamhuuriyada Soomaaliya.

 b)    Xubin ka yaha golaha shacabka 

 c)    Da’da wasiirka koowaad waa in aysan ka yaraan afartan (40) sanno,ku xigeenaa wasiirka     koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada aysan da’doodu ka yaraan sodon iyto Shan (35) sanno.

 d)    Waa in ay lahaadaan tayo hogaamineed iyo qibrad siyaasadeed.


 Sadaam Hussein marki maxkamada Iraaq dilka ku xukuntey ayaa qareenkiisi wuxuu yiri hore baan u ogaa in Sadaam Hussein dil lagu xukumayo waayo Ameerikaanka ayaa wuxuu yiri inta Sadaam lagu soo duulin oo aan Iraaq la qabsan“Sadaam Hussein dil toogasho baan ku xukumi doonaa”sidaasi awgeed qorshahani wuxuu a ahaa mid qorsheeysan in Sadaam Hussein la qaarjinayo la dilayo ileen horeyba ayuu Ameerikaanka ku xukumey dil


Inta kale wexeey a heeyd daal iyo waqti lumis sida dad weeynaha la tusiyo maxkamada ineey xukun ridey  ee lagu qaldo ra`yi caamka


Laakiin sida runta ah xukun kaasi mar hore baa dhacay oo qorshaha baa a haa Sadaam Hussein in la qaarjin doono hadii la qabto


 Sidaa awgeed shirkii Imbigaati Kenya lagu qabtey iyo Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya waxaa ka horeeyey qayaano qorsheeysaneeyd inta runta moodana Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya ee baarlamaanka ku jira in laga taqaluso la dilo sida loo qaar jiyey loo diley Wasiirkii Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdala Deerow Isaaq
Deeroow Isaaq wuxuu ahaa ruux mowqifkiisa ku adag oo aan jecleeyn in la is dulmo


Laguna dhaqmo distuurka Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya


Wuxuuna had iyo jeer ka soo hor jeedey in gobol gobol kale dulmo xoog u sheegto qabsado


Fidraalka uu yahay dadka gobalkaasi degen in lagu xad gudbin cida maamuleeysana ineey noqdaan dadka gobol kaasi u dhashey waxaan ogolkooda aan a heeyna la sameeyn


Qodobka koowaad wuxuu shaagayaa sidatan


 QODOBKA 1

DHISMAHA DOWLADA FEDERALKA KU MEEL GAARKA AH.

1)         Jamhuuriyada Soomaaliya waxay yeelan doontaa


            Xukuumad Federaal ku meel gaar ah oo ku


            Salaysan rabitaanka dadka Soomaaliyeed.


 Deeroow Isaaq waxaa loo arkayey inuu yahay nin qorshahani qayaanada ka hor imaanaya


Maadaama uu yahay Wasiirkii Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdala Deerow Isaaq


In sharciga ay dhigteen ka hor imaanayo gobol in lagu duulo la qabsado


Sidaasi awgeed ayaa waxaa loo dhigey shirqool dil ah


 Halkani ka aqriso cida ka danbeeysey dilkiisi  


 Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya inuu a ahaa riwaayad dadka Soomaaliyeed loo dhigayey bal aqri


QEYBTA 4AAD
                       


 DOWLADA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH


 QODOBKA 11


 10)    Haddii Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ay ku guul daraysato in ay ku baahiso habka Federaalka Dalka oo dhan muddada loo cayimay ee ah labo sanno iyo bar, Xukuumada Federaalka ku Meel ah Gaarka ah waxay golaha Shacabka weydiisan doontaa cod kalsooni ah, hadday wetdana waxaa la dhisi doonaa xukuumad cusub iyadoo la raacayo sida uu tilmamayo Axdigan.

11)    Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee lagu dhisay Farqada (8) waa in ay ku gaarsiisaa dhamaan dalka Soomaaliya habka Federaalka sannad (1) gudihiis, haddii ay ku guul dareysatana waxaa lagu dhaqamayaa faritaanada qodobka 11(8) ee kor ku xusan.


 Dowladda ku meel gaarka ah waxaa lasoo dhisey 2004 hadeertani waxaanu ku jirnaa 2007


Hal kaasi waxaa ku cad ineeysanba doowlad sharciyeeysneen ka jirin waa hadii la raacayo 


Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya ee Imbigaati Kenya lagu qorey


 Waxaa halkani kuugu filan Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya inuu yahay mid qorsho qayaano loogu dan la haa si loo qaldo wax garadyadii ka qeeb galay shirkii Imbegati Kenya


 Aqri qodobka 16 oo ka hadlayo xuqquuqda qofka leeyahay


 QODOBKA 16
XUQUUQDA NOLOSHA, XORIYADA GAARKA AH IYO BADBAADADA


1)    Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay xuqquda nolosha,qofna lagama qaadi karo.
2)    Qofna lagama qaadi karo xoriyadiisa gaarka ah iyo badbaadada qofeed.
3)    Qofna lama baari karo oogadiisa, gurigiisa iyo hantidiisa iyadoo aan la helin awood garsoor haddaanay la xiriirin caafmaad iyo canshuur. Mar waliba waa I sharafta gaarka iyo xurmada qofka la dhowraa.
4)    Waa denbi ciqaab mudan ah falalka qofka jirkiisa ama maskaxdiisa wax u dhimaya ama xadidaya xoriyadiisa.
5)    Qofna lama xiri karo lamana xadidi karo xoriyadiisa gaarka ah, aan ka ahayn marka lagu qabto isagoo denbi faraha kula jiro (Flagrante delicto) ama amar kale oo garsoor.
6)    Sida lagu qeexay sharciga,qofkii lagu xiray tuhun ama la cadaadiyo xoriyadiisa muddo 48 saacadood gudahood ah waa in la hor keenaa maxkamadda awooda u leh garsoore xaqiijiyaa.


 Meeqaa sharci daro u xirxiran meeqaa la jirdiley meeqaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen la garaneeyn shacabkii Muqdisho kunoolaa meel ku sheega?


 Meqaa saxaafiyiin la jirdiley la xirey qaar su aalo ay warsadeen  lagu xirey xagee beey  ku dan beeyeeen


Abdulqadir Ashir (Nadara) iyo labada saaxiibadiisi Bashiir Diriye Naaleye iyo Xaamud Maxamed Osman oo la xirey 8 April 2025


 Axdiga loogu tala galey Soomaalida in lagu qaldo si loogu fushado qorshaha qayaanada ah ee la soo maleegey Bal aqri xuriyada saxaafada


 QODONKA 20
XORIYADA WARFAAFINTA IYO WARBAAHINTA


1)    Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waxay damaanad qaadeysaa xoriyada dabacaadda iyo madaxbanaanida warbaahinta iyadoo la raacayo sharciga.

2)    Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in si xor ah uu u gudbiyo fikradiisa qaabkii uu doono ilaa iyo xadka sharcigu u ogolaado iyadoo la dhowrayo aqlaaqda iyo nabadgelyada guud


Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya ee Imbigaati Kenya lagu soo qorey


Wuxuu a ahaa shirqool wadamo fara badan ka soo shaqeeyey sida Ameerika,Yuhuuda (Israaiil) Keenya,Ethiopia iyo qaar soomaaliya ah habka qaarijinta dilka dadka siyaasadaha lagu qaarijiyo lagu dilo waa ficilada Yahuuda iyo Ameerikaanka ku sameeyaan Falastiiniinta iyo wadamada kale qofkeey u arkaan inuu siyaasadahooda fahmaya qaarjinayaan dilayaan


 Xildhibaanada ku jira baarlamaanka kuwooda fahmey qayaanada iyo shirqoolka la soo maleegey waa kuwa lafahoodi la baxsadey oo dibadaha gaaf wareega weeyna ogyihiin hadii gudaha soogalaan in la qaarjinayo ee meesha aan oolin wax la yiraahdo Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya


Qore: Dheere  [email protected]


511 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 12 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed