header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Qarax weyn oo ay Dad ku waxyeeloobeen oo maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Ambaasadoor ee Muqdisho.

By b1laajo on May 10,2025

Qarax aad u xoogan oo inta badan laga maqlay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Ambaasadoor ee xaafadda Tareebiyaano ee Deg. Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loola danlahaa Kolonyo Gawaari ah oo ay la socdeen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah, oo uu mid yahay Wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacma-dheere, sida ay sheegeen Dad goob-joogayaal ah.

Laakiin illaa iyo hada ma jirto Mas'uul ka tirsan Dowladda KMG ah oo dhibaato kaga soo gaartay qaraxaasi, hasayeeshee Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Simba u xaqiijiyay halkaasi ay ku geeriyoodeen illaa iyo Seddex qofood, halka ay Shanqofood oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoona labadii maal mood ee lasoo dhaafay qaraxyo kala duwan ay ka dhacayeen meelo kala duwan oo Magaalada ka mid ah.


566 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 19 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed