Dagaal culus oo la isku maqribsaday ayaa ka soconaya wadada 30 ka gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Hodon iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho. Iska horimaadkaan oo bilowday galabta ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada Ethiopia iyo xoogagga ka soo horjeeda, iyadoo la maqlayo qaraxyo aad u xoogan iyo rasaasta lidka diyaaradaha oo si weyn uga dhaceysa xaafadaha Albaraka, Black Sea iyo Nawaaxiga Shirkole sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.