2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday qaar kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka la galiyo oo lala beegsaday Gaari marayay Wadada Shaqaalaha ee degmada Hodon.
Qaraxan oo saakay laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan caasimada Muqdisho,ayaa la sheegay in lala beegsaday Gawaari kolonyo ah oo uu watay wasiirka arimaha gudaha dowlada Kmg Gacmo Dheere oo xiligaasi ka soo baxay Hotelka Ambassador.
Goob jooge ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba ay ahaayeen dad rayid ah oo waddada Marayey.
Ilaa iyo hada DKMG ah kama aaney hadal qaraxan saaka ka dhacey agagaarka Hotelka Ambassador ee Muqdisho.
Xalley fiidkii ayey aheyd Markii qarax kan ka xoog yar uu ka dhacey Waddada Aadan Cadde kaasoo uu ku dhintey qof rayid ah.