Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye iyo xubno kale oo ka tirsan golaha ayaa maanta ciidamada dowladda KMG ah waxa ay kala baxeen gurigiisa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Axmed Diiriye, Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye
Sida uu wariyaheena u xaqiijiyay Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Max'ed Xasan Xaad, Ciidamada wata gawaarida dagaalka iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa xoog ku soo jabiyay guriga Axmed Diiriye, iyagoo halkaasi ka kaxeystay Afhayeenka, labo wiil uu dhalay iyo Sheekh Axmed Cali Gees oo ka mid ah golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye.
Daawo Sawirada 7 ruux oo isku qoys ah oo ku dhaawacmay maanta madfac ku soo dhacay gurigooda agagaarka Albaraka
Lama oga wali halka la geeyay afhayeenka iyo raggii lala kaxeystay iyo sida ay tahay xaaladooda.
Max'ed Xasan Xaad waxa uu sheegay in ka hor inta aan la xiririn Afhayeenka ay jireen hanjabaado kaga imaanayay golaha dhinaca Maamulka gobolka, Ciidamada Ethiopia, saraakiisha iyo Nabad sugidda, hanjabaadahaasi oo ahaa in la dili doono ama la xirir doono.
Waxa uu intaasi ku daray in dhinacyadaasi ay ka dalbanayeen in golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ay faraha kala baxaan ka hadlidda xaaladaha Muqdisho iyo dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah.
Daawo Sawirada meydad hor leh oo saakay laga helay xaafadaha Shirkole iyo Black Sea
Waxa uu sheegay in howlaha golaha aysan u hakan doonin hanjabaado iyo wax la mid ah.
Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa waxa ay horey u sheegeen in dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay caasimadda ay ahaayeen kuwo xasuuq ah oo loola dan lahaa dadka magaalaada Muqdisho.
(Posted by Ibrahim Xeyd, November 11, 2007, 12:27 PM)