1) Gabar 2-sano iyo bar jirta oo caloosheeda laga soo saaray ilmo..!!!
Qalliin lagu sameeyay Gabar yar oo 2-sano iyo bar jirta, ayaa uurkeeda lagaga soo saaray ilmo yar, Cisbitaalka guud ee magaalada Damaar ee Yemen. Agaasimaha guud ee Cisbitaalkaas Dr.Cabdisalaam Al-Axsab, ayaa warfaafinta u sheegay; In gabadhaas yar la keenay qaybta Caruurta ee Cisbitaalka, iyada oo ka sheeganaysa"Calool-xirnaansho" .Markii ay Taqaatiirtii baareen ka-dibna, waxay ku qasbanaadeen inay Qalliin(Camaliyad) ku sameeyaan, halkaas oo ay uurkeeda ka soo saareen "Uun" la-yaab leh, oo u eg ilmo lix toddobaad abuuran, kaas oo ku sugnaa inta u dhexaysa; dheef-shiidka iyo medhecerrada gabadha yar . Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray;" Xaaladdani, waxay ka mid tahay Xaaladaha sida dhifka ah loo arko, waxaana aad u adag in la ogaado waxa sababaya". Wuxuuna ka codsaday Culimmada Adduunku inay xaaladdan ku sameeyaan daraasad.
Dr.Axmed Al-Xowshabi oo ah Taqtarkii sameeyay qalliinka, oo tilmaamaya Uunka la soo saray ayaa yiri;" Dhererkiisu wuxuu u dhexeeyay 7 - 9 Sm. Balaca madaxuna wuxuu ahaa 2 Sm.Balaca dhexda 1 sm.Qaybta dambana nus Sm. Wuxuu sheegay oo kale inay hadda xaaladda gabadhaasu deggan tahay.
(2) Miyey ku dhibtaa Xaaskaagu...?!!!
Shirkad Yuhuud ah, ayaa qaadday Olole lixaad leh, oo xayaysiin ah. Waxay Shirkaddu ugu baaqaysaa ragga 50-jirrada ah, inay Xaasaskooda da'da ahi ku baddashaan; Hablo dhallinyar oo Ruush ah. Waxay Shirkaddu ku dhejisay barxadda bartamaha magaalada "Talla-abiib" Ogaysiis ku qornaa farta "Cibriga" iyo Sawirrada hablo muuqaalkoodu uu Ruush yahay. Ogaysiisku wuxuu leeyahay;"Haddii Xaaskaagu da'deeda uu gaaray 50 sano, iska eri oo keenso Gabar dhallinyar oo Ruush ah",...!!!. Rukun badan ayaa deg-deg ula soo xiriiray Shirkadda, kuwaas oo la maqashiiyay Cajalad uu ku duubnaa Baaq ah;"Miyey ku dhibtaa Xaaskaasu ?!!!. Haddii ay Jawaabtaadu tahay "Haa", Annaga ayaa diyaar kuula ah inaan kuu adeegno; Boqollaal hablood(gabdhood) oo Ruush ah, ayaa aad ugu faraxsanaan lahaa inaad guursato. Xeer-ilaaliyayaasha Shirkadda ayaa iyagana u heellan inay dhamaystiraan wixii caqabad ah oo idinka dhexeeya, adiga iyo Xaaskaagii aad soo kala taagnaydeen....!!!
(3) Habeenkii aqal-galkiisa ayuu ogaaday; inay aroosaddu tahay "Nin"....!!!
Ka-dib, markii ay u doonnayd( alkunnayd ) saddex sannadood, ayuu nin xoogsata ah oo reer Masar ahi ogaaday habeenkii aqal-galka; inay Aroosaddu tahay "Nin" kale. Wargeyska reer Masar ee "Al-jamhuuriya" ayaa qoray;" Inay Aroosaddu isku qarin jirtay( jiray ) dhar jirkeeda wada asturaya, si aan loo garan, isticmaalaysayna, waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan. Wuxuu Meherku uu ahaa 20 Geniga Masar ah. Ninka wax guursanayay oo 36 jir ahaa, baa ka hor sheegay Xeer-ilaalinta; Inay gabar la yiraahdo "Muna" ay u alkunnayd muddo 3 sannadood ah, hase yeeshee , uu habeenkii guri-gaynta uu ogaaday inuu la aqal-galayo "Nin" kale. Wuxuu ninka naag-ahaanta loo guursanayaa qirtay; inuu yahay 18 jir shaqo waayay, ka-dibna goostay inuu isu baddalo Naag, uuna rajaynayo; inuu xaqiiqa-ahaan u noqdo haweeney la guursado, si uu uga nasto shaqo-doonidda...!!!
(4) Ila qosol:-
Nin baa isaga oo aad u murugsan, u soo galay Taqtar, wuxuuna ku yiri;" Taqtarow, i soo gaar, oo iga soo saar". Taqtarkii baa ku jawaabay, isagoo yaabban;" Oo maxaan kaa soo saaraa, oo kugu jira ?!!!". Ninkii baa mar kale yiri;"Doolli(jiir) baan liqay, oo calooshayda ku dhex-rafanaya...!!!. Taqtarkii, baa ku jawaabay;" Wey fudu-ddahay arrintaadu, oo waxaad ka daba liqdaa Bisad(Mukulaal)...!!!!.
Waxaa soo diyaariyay ; Muxyaddiin M.Kaalmoy [email protected]-