Ciidamada Itoobya iyo kuwa dowladda federalka ee dhawaanahaan howlgalada ka waday deegaanka Gubta degmada Dayniile ayaa maanta si rasmi ah fariisin uga dhigtay xaruntii Xildibaan Maxamed Qanyare ee degmada Dayniile .
Ciidamadaani oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu waramay in ay saaran yihiin dhismayaasha Xaruntii Qanyare iyadoo aan la ogeyn muddada ay halkaasi sii joogayaan .
Ciidamadaan oo howlgallo ka waday mudooyinkaani degmada Dayniile ayaa weli ku sugan xaafadda Gubta halkaasi oo ay ka fuuleen daaraha dhaadheer ee xaafadaasi taasi oo keentay in dadkii yaraa ee halkaasi ku haray ay ka cararaan.
Waxaa haatan haawanaya guryihii ku yiilay Gubta , waxa ayna dadka badankooda u qaxeen banaanka magalaada Muqdisho.
Ma jiraan wax war oo laga helay saraakiisa Itoobiya oo horay aan looga baran in saxaafadda ay la hadlaan, waxa ayna warar Hoose sheegayaan in howlgalada Gubta ay wadaan saraakiil Soomaali ah .
(Posted by aamin, November 18, 2007, 9:55 PM)