Hogaamiyaha la rumeysan yahay in uu hogaamiyo Ururka Shabaab Al Mujaahidiin ee Aadan Xaashi Cayrow ayaa hanjabaad kulul u jeediyay Ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho,isagoona ugu baaqay dhamaan Mujaahidiinta Kooxdaasi in ay beegsadaan Ciidanka Uganda.
Cayrow oo ka hadlayay Fariin lasoo dhigay barta Internet-ka isla markaana loo qeybiyay dhamaan warbaahinta dhinacyadeeda kala duwan aya ku waramay in Ciidanka Uganda ay baab'in doonaan kuna beegsan doonaan meel waliba.
''Ciidanka Uganda leyneynaa,Gawaaridooda gubeynaa,Sarkaalkooda dileynaa kooda Diplomasiga ahna waan dileynaa,Mujaahidintana waxaan leeyahay meel kasta ku beegsada Ciidanka Uganda''ayuu yiri Aadan Cayrow.
Hogaamiyaha Al Shabaab waxaa sidoo kale uu ugu baaqay dhamaan shacbiga Somaliyeed in ay iska dhiciyaan gumaadka Itoobiya isagoona sheegay in aan loo dul qaadan karin wixii ka dhacay Muqdisho ee xasuuq shacab ahaa isagoona soo qatay dadkii madaxyada laga wada jaray.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Uganda oo lagu magacaabo Felix Kulaigye ayaa ku gacan seyray hanjabaada Cayrow waxaana uu sheegay in Ciidamada Uganda ay isdifaaci doonaan hadii lasoo weeraro.
Ururka Al Shabab ayaa la rumeysan yahay in uu masuul ka yahay howlgallada qaraxyada ah iyo dilalka lagu beegsado Ciidamada dawladda,kuwa Itoobiya,Kuwa Uganda iyo masuuliyiinta dawladda Federaalka.
(Posted by SHEEKH CABDULLAAHI SHEEKH ABUKAR, November 15, 2007, 9:20 AM)