header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Wasiirkii hore ee Puntland "Xaabsade" oo isu dhiibay S/land

By bilaajo1974 on October 10,2024

Laascaano, Somaliya (Boondheere.com)
War iminka naga soo gaadhay tuullada lagu magacaabo Oog ee ka tirsan gobolka cayn ayaa waxaa la lee yahay waxaa halkaas lagu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee puntland axmed cabdi xaabsade.

Axmed cabdi Xaabsade oo ahaa wasiirkii amniga ee puntland ayaa in muda ah waxa uu ku sugnaa gobolka sool ee laascaanood kadib markii jagadiisii wasiirnimo ay ka xayuubiyeen maamulka puntland ee soomaaliyeed.

Axmed cabdi Xaabsade ayaa in muda ah hada joogay gobolka sool iyadoo ay joogitaankiisa laascanood maamulka puntland ku eedeeyay inuu soo uruuriyay malleeshiyooyin ay isku beel yihiin oo taabacsan maamulka Somaliland kuna sugan illaa iminka toga wayn ee Waqdari kana xiga laascaanood dhinaca koon fureed.

Isdhiibka Xaabsade ayaa wararka qaar ey sheegayaan in uu yimid kadib markii isimada, waxgaradka iyo odayaasha deegaankaas ey kala fur-fureen maleeshiyaadkiisa sidaas daraadeedna uu ciidankii uu ku xisaabtamayay ey ka kala carareen dabadeedna uu sidaa ku aaday magaalada Oog.

Axmed Cabdi xabsade markii uu isu dhiibayay maamulka somaliland waxaa uu ka gudbay dhinaca Howdka ee gobolka Sool isaga oo dhawaan ka yimi magaalada Garoowe oo uu dhowr cisho ka hore gaadhay ka dib markii uu halkaasi wada hadalo siyaasadaysan u tagay.

Ilaa hada lama garanayo sababta keentay In mar qudha uu Xaabsade u baxsado somaliland balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu halkaasi u yimi wada hadalo uu maalmahanba la lahaa masuuliyiinta uga sareeya somaliland.

Si kastaba ha ahatee axmed cabdi xaabsade ayaa dadka wax saadaliya waxay ku micneeyeen tagitaankiisa somaliland inuu yahay in lagag adkaaday siyaasadii puntland kadib markuu ka soo cararay magaallo madaxda puntland ee garoowe oo uu ku lee yahay in kabadan illaa labo aqal.

37 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author