Qarax xooggan ayaa saakay lala bartilmaameedsaday gaari Uural ah oo ay lahaayen ciidamada Itoobiya kaas oo marayey wadada Makka almukarama meel ku dhow guriga shaqaalaha ee degmada Waaberi.
Qaraxa oo ahaa nuuca la hago ayaa lala haleelay gaariga, waxaana halkaasi ku burburay gebi ahaanba gaariga iyo wixii saarnaa, iyadoo qaraxa kadib ay goobta yimaadeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda KMG oo isku dhaf ah.
Lama oga khasaaraha nafeed ee qaraxu geystay, marka laga reebo aariga Uuralka ah oo uu qaruxu burburiyey, waxaana ciidamadii soo gurmaday ay ebi ahaanba jareen wadada, iyagoo diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Goobta uu qaruxu ka dhacay iyo deegaanada ku dhowdhow ayaa xiran, waxaana halkaasi isku fidiyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG, iyadoo ay aad u adag tahay in faahfaahin dheeri ah halkaasi laga helo.
Qaraxyada lala beegsado ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ayaa nqday kuwo soo badanaya, waxaana falkaan uu ku soo beemayaa xilli maalmo ka hor qarax lala beegsaday uu si lama filaan ah kaga badbaaday ku xigenka taliyaha booliska gobolka Banaadir C/laahi Xassan Bariise.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.