header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Sacuudiga Oo dhaxdhaxaadiyay Col. Yuusuf & Geedi Oo Khilaafkoodu Uu Halkaa Markii Horaba Kasoo Unkamay.

By bilaajo1974 on October 24,2024

JIDDAH (Boondheere.com) - Dowladda Sacuudiga, ayaa la shaaciyey inay dadaal ballaaran ugu jirto sidii ay u dhexdhexaadin lahayd Hoggaamiyaasha Sare ee Dowladda KMG, gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo uu khilaafkooda soo shaac baxay wixii ka dambeeyey markii ay Dowladda Sacuudiga ay Malaayiin Dollar ugu soo deeqday Dowladda Federalka, markii ay Madaxdaasi ka qeybgaleen Munaasabad ka dhacday Magaaladda Jeddah, oo lagu saxiixay Natiijooyinkii ka soo baxay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ku yeesheen magaalladda Muqdishu.

 


Dhowrki bilood ee la soo dhaafay, Labada Hoggaamiye, waxaa ka dhex aloosnaa olol-siyaasadeed dhamacdiisa labo garab u kala qeybiyey Golayaasha Dowladda Federalka, iyadoo Kala-qeybsanaantiisa qeylo-dhaan Caalami iyo mid Maxali ah laga sameeyey.


Afhayeenka Xafiiska Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, C/llaahi Muxiyaddiin Maxamed “Codka”, ayaa saxaafadda u sheegay inay Dowladda Sacuudiga ugu baaqday  Madaxweynaha Dowlada KMG, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo Ra’isul-wasaaraha inay socdaal ku yimaadaan dalka Sacuudiga, si loo dhexdhexaadiyo, loona dhameeyo khilaafka soo kala dhex galay Xukuumadda Somalia


Afhayeenka, waxa kaloo uu ku nuunxuuxsaday in lagu wado inay Madaxdaasi ku kulmi doonaan gudaha dalka Sacuudiga, iyadoo uu Ra’isul-wasaare Geeddi maanta u ambabaxay dalka Sacuudiga, isagoo Transit ahaan ku sii hakaday Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.


Dhinaca kale, ma jiraan war rasmi ah oo xaqiijinaya inay Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiyaha BFS, Sheekh Aadan Maxamed Madoobe u baqooli doonaan dalka Sacuudiga, inkastoo ay jiraan ilo-wareedyo ku dhodhow Labadaa Hoggaamiye oo tilmaamayo inay Socdaal dibedda ugu ambabixi doonaan.


Dhexdhexaadinta Diplomaasiyadeed ee ay Dowladda Sacuudiga ku doonayso inay ku damiso ololka siyaasadeed ee u dhexeeya Hoggaamiyayaashaasi Soomaalida ah, ayaan la ogeyn inay ku guuleysan doonto, inkastoo ay Diplomaasiyiinta rumeysan yihiin inay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul-wasaare Geeddi isku qabteen arrimo Dhaqaale iyo kuwa Maamul.


62 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author