Xaaladda magaalada Buulo-burde ayaa deggan, iyadoo shalay ay aheyd markii xoogag taabacsan Golihii Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed ay halkaas la wareegeen.
Xoogaggii shalay qabsaday degmada ayaa weli ku sugan halkaasi, waxaana wararka saakay laga helayo gobolka Hiiraan ay sheegayaan in xaaladda magaaladaasi ay tahay mid caadi ah oo deggan.
Maamulkii gobolka Hiiraan ee uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed ayaan wax war ah ka soo saarin qabsashada buulo-burde iyadoo raggii ugu magacawnaa degmadaas maamulka yuusuf Dabageed aan weli la aqoon halkii ay ku dambeeyeen.
Saldhigga magaalada ayaa ah mid haawanaya, mana jiro wax maxaabiis ah oo hadda halkaasi ku xiran,iyadoo xoogagga qabasdaday halkaasi ay gebi ahaanba sii daayeen maxaabiistii saldshigga ku xirneyd.
Degmad Buulo-burde ayaa iminka gacanta ugu jirta xoogag daacad u ah Golahii Maxaakiimta Islaamka, ma jiro wax iska horimaad ah oo weli halkaasi kadhacay, waxaana xoogaggaas oo aad u hubeysn ay si nabad ah ula wareegeen magaalada.
Maalinimadii shalay ayaa si rasmi ah loo shaaciyey la wareegista degmada Buulo-burde, iyadoo halkaasi ay hadda tahay meel iay dadka badankiis isha ku hayaan hadba sida ay wax uga dhacaan.
Xoogagga la wareegay magaalada ayaan weli si rasmi ah loo ogeyn halka ay ka yimaadeen iyo jihada ay magalada ka soo galeen, waxaase wararku shegayaan in xoogaggaan ay daacad u yihiin Golihii Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.