Madixii warfaafinta Golihii Maxaakiimta Islaamka Sheekh C/raxiin Cali Muudeey oo wareysi siiyey mid kamid ah idaacadaha Muqdish ayaa sheegay in dagaalada ay ka wadaan magaalada a soconayaan inta askarta Itoobiya ay ka baxayaan dhulka Soomaaliya.
C/raxiin Muudeey waxa uu sheegay in uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho, islamarkaana uu wax ka hogaamiyo dagaalada lagu qaado ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdiosho, isagoo intaa raaciyey in isaga iyo saraakiil kamid ah kuwii maxaakiimta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
"Dagaalku waa mid socon doona, waanu wadeynaa jihaadka aanu kula jiro ciidamada xabashidda ee dalka ku soo duulay, xoogagga muqaawamadana waanu ku boorineynaa in ay kordhiyaan dagaalada" ayuu yiri C/raxiin Muudey.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku booriyey in ay ka qeyb qaataan jiaadka, isagoo xusay in shacabku ay tahay in ay garab istaagaan xoogagga dagaalka kulajira ciidamada Itoobiya.
Hadalka ka soo yeeray C/raxiin Cali Muudeey ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan uu isna ku baaqay dagaal ka dhan ah ciidamada Itoobiya madixii gaashaandhiiga golihii maxaakiimta Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.