Xoogagga Muqaawamada ee ka horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo siyaasadda dowladda federaalka KMG ayaa xalay weeraray xaruntii hore ee Guul-wadayaasha ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaas u xalay kadhacay dagaal fool ka fool ah oo waqti badan socday.
Wararka laga helay dagaalka ayaa sheegaya in kooxaha Muqaawamada ay weerarkaas u adeegsadeen hub xooggan, gaar ahaa qoriga Sabanka iyo qoryaha kale ee sida darabdooriga ah u dhaca.
Lama oga khaaaraha la dhashay dagaalka, iyadoo ay aad u adag tahay in la helo wararka la xiriira dagaalka iyo khaaaraha ka dhashay xiliga oo habeen ah iyo magaalada oo kala xiran.
Afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan xerada Guul-wadayaasha ayaa sheegay in kooxaha ka horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo siyaasadda dowladda KMG ay goobta soo weerareen, isagoo ku faanay in 3-kamid ah kooxahaas in ay dileen.
Xoogagga Muqaawamada ayaa markasta weerara saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxaana xoogagga muqaawamadu ay dagaallo fool ka fool ah la galaan ciidamadaas,iyadoo la og yahay in marka ay xoogagga muqaawamadu ay dagaalada kaga adkaadaan ciidamadaas ay itoobiyaanku adeegsadaan madaafiic ay ku garaacaan xaafadaha ay dadkarayidk ah deggan yihiin.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.