Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga degmada Waabei ee magaalada Muqdisho, xiili ay soo badanauyaan weerarada lagu qaadayo saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa dolwadda KMG.
Kooxaha weerarka ku qaaday saldhiiga ayaa la sheegay in hubka nuucyadiisa ay ku weerareen saldhigga, iyadoo ciidamada dowladda KMG ee halkaasi ku sugan ay iska caabin sameeyeen.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas ee kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaae jira warar sheegaya in mid kamid ah ciidamada dowladda KMG uu ku dhaawacmay weerarkaas.
Kooxaha weeraray saldhigga ayaa muddo kadib goobta isaga tagay, waxaana ciidamada dwladda KMG ay saakay halkaasi kabilaabeen baaritaano la xiriira weerarka.
Weerarada lagu qaado saldhigyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyey soo badanayey, mana jiri cid ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlkay weerarkaas.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.