Ibraahim Kiishbuur oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee magaalada Beydhabo ayaa xalkay lagu u weeraray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Kooxo hubeysan ayaa tacshiirad ka beegsaday gaari uu watay xildhibaanka, waxaana markaasi kadib halkaasi ka dhacay israsaaseyn dhexmartay ilaalada Kiishbur iyo kooxaha hubeysnaa.
Tacshiiradda ay isweydaarsadeen labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada nabad sugidda ee magaalada Beydhabo, iyadoo uu sidaasi xaqiijiyey xildhibaanka oo saxaafadda la hadlayey.
Xildhibaan Kiishbur oo laga wareystay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in uusan garaneynin sababaha ka dambeeya in la weeraro, isagoo shaki galiyey in weerarkaas uu ahaa mid isaga loola dan lahaa.
Kiishbur waxa uu ku andacooday in askariga dhintay loola dan lahaa tacshiiradda, maadaama markii gaadiidkii uu saarnaa uu ka gudbay goobta tacshiiradda la furay.
Magaalada Beydhabo ayaa waxaa hadda ku soo kordhaya falal lagu waxyeeleynayo xubno kamid ah kuwa kooxda Mbagathi, waxaana la xusuustaa in akl hore halkaas lagu waxyeeleeyey qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Mbagathi ee Beydhabo ku sugan.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.