header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Gaari Ural ah oo lagu qarxiyey meel ku dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Bay

Your Ad Here

By Ahmed Aden Ibrahim on December 20,2024

Gaari Ural ah ayaa qarax loo adeegsaday miino nuuca la hago waxaa lagula beegsaday meel ku dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo qaraxaas uu ka dhashay khasaare soo gaaray askarta Itoobiya ee saarnaa gaariga Uralka ah.

5-kamid ah ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay qaraxa sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas, waxaana jira dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ee saarnaa gaariga la qarxiyey.

Ciidamada Itoobiya ayaa furay rasaas xooggan, waxaana wararka laga helayo halkaas ay sheegayaan in ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhianca Beydhabo ay xireen wadada isku xirta Muqdishio iyo Beydhabo.

Khasaaraha dhimasho ee gaaray ciidamada Itoobiya ayaa wararku sheegayaan in uu intaas ka badan karo sababo la xiriira iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid gebi ahaanba baabi'iyey gaariga.

Qaraxyada iyo weerarada lala beegsado ciidamada Itoobiya ayaa bilihii u dambeeyey soo kordhayey, waxaana xoogagga ka horjeeda ciidmada Itoobiya ay bartilmaameedsadaan saldhigyada ay ciidamadaas fariisin ka dhigtaan iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan.

Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.


120 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 4 votes)
Comments (0 posted)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author