Hal qof ayaa ku dhintay 3-kelna wey ku dhaawacmeen shil baabuur oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.
Gaariga shilka galay ayaa ahaa caasi,waxa uuna ka yimid garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa in shilkaasi uu yimid kadib markii wadihii uu xukumi waayey isteerinka gaariga.
3-da qof ee ku dhaawacantay shilka ayaa la dhigay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana wararka halkaas laga helayo ay sheegayaan in laga deyrinayo xaaladda caafimaad ee mid kamid ah dadka shilkaas ku dhaawacmay.
Magaalada Kismaayo ayaa badanaa waxaa ka dhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac, waxaana shilkaan uu ku soo beegmayaa xilli 2-isbuuc ka hor halkaasi uu ka dhacay shil sababay dhimashi iyo dhaawac.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.