Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay saakay toogasho ku dileen Taliye ku xigeenkii ciidamada nabadsugida Col. Muqtaar Cabdi Axmed “Muqtaar Dheere” xili uu ku sugnaa goob ay ku kala wareegaan gaadiidka BL-ka oo ku taal magaalada Kismaayo.
Marxuumka oo kooxaha dilay ay ku hubeysnaayeen bistoolado ayaa sidoo kale ahaa kuwa wajiga soo duubtay iyadoo mid ka mid ah kooxahaas uu uu ku furay dhowr xabadood oo madaxa iyo caloosha kaga dhuftay, halkaasoo uu ku ruux baxay Col. Muqtaar Dheere.
Ninkii falkan dilka ah geystay ayaa baxsaday iyadoo ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ay bilaabeen in ay baadi goobaan Ninkaasi oo la sheegay in wejiga uu soo qarsaday, lama oga sababta ka danbeysa dilka Sarkaalkan hase ahaatee dadka magaalada ayaa falkan ku tilmaamay inuu la xariiro ugaarsiga lagu haayo xubnaha Dowladda ka tirsan ee ku sugan Kismaayo.
Taliyaha ciidamada Saldhiga Kismaayo Ibraahim Khaliif "Shanfool" ayaa sheegay in aysan u suuragelin in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyay dilka sarkaalkan balse ciidamadu ay wadaan howlgalo baaritaan ah oo lagu ogaanayo cidii ka danbeysay dilkan.
Magaalada Kismaayo ayaa hore dil toogasho ah loogu geystay Col. Maqdal oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Kismaayo, iyadoo aan gacanta lagu soo dhigin kooxihii ka danbeeyay dilkaasi.
Kismaayo