header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

FiFa oo ka dhawaaqday in uu kaka uu yahay ciyaartooyga sanadka. ka dib markii uu muujiyay cayarwanaag

By bilaajo1974 on October 06,2024

Kaddib markii guddiga xagga qiimeynta ugu qaabilsan cayaartoyda kubbada cagta aduunku uu ku dhawaaqay in Kaká uu yahay wiilka sanadkan ugu horreya, ayaa cayaaryahankani waxaa uu bilaabay dabaal dag uu u sameynayo dhawaqa kasoo yeeray FIFA.


  
Sanadkii hore ayaa Ronaldinho, wxaa uu baaqi ku sii ahaa kaalintan oo uu helay sanadkii 2005-tii, hase ahatee iminka ayuu daaqadda kabaxay, waxaana lambarka 1-aad soo galay Kaka, sida ay ku dhawaaqday FIFA.

 

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan qiimeyntan heerka sare ah ka helo FIFA” ayuu yiri xiddiga kooxda AC Milan oo u warramayay FIFPro website.


  
"In aan raaco wadadii uu marayay Saaxibkay Ronaldinho, islamarkaana aan noqdo cayaaryahanka ugu horreeya caalamka ee xagga kubbad acagta” aad ayaan ugu fraxsanahay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay cayaaryahan Kaka.

 


"Waa mid aad u yaab leh laguna farxo in aan kasoo dhex baxo in ka badan 50,000 oo cayartoy oo caalamka oo dhan ka dheela kaalinta 1-aadna aan u galo” ayuu si farxad leh u yiri Kaka.

 

"Abaalmarintan heerka caalami ah waxaan uga mahadcelinayaa FIFPro”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Kaka


61 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 3 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author