Xoogagag uu hogaaminayo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa gaaray meelqiyaastii 60-km u jirat magaalada Beydhabo ee xarunta Bay, iyadoo wararka halkaas laga helayo ay sheegayaan in abaabulo dagaal ay ka socdaan qeybokamid ah gobolka Bay.
Wararka laga helayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in xoogagga uu horkacayo Abuu Mansuur ay yimaadeen xerada Labaatan-jirow kuwaas oo ka yimid dhinaca gobolka Bay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa saakay ka jirta qeybo badan oo kamid ah gobolka Bay, waxaana wararka laga helayo magaalada Beydhabo ay tibaaxayaan in ciidamada dowladda ee gumeysiga gacan siiya ay soo aadeen dhinaca xerada Labaatan jirow oo ay ku sugan yihiin Abuu mansuur iyo xoogagga uu horkacayo.
Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin madaxda dowladda ee ku sugan maagaalada Beydhabo,waxase wararka lagahelayo magaalada Beydhabo ay sheegayaan in jawi aad u kacsan uu ka taagan yahay halkaas, iyadoo si weyn looga hadal hayo magaalada imaatinka Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur ayaa iaga iyo xoogag uu hogaaminayo waxa ay horey u gaareen qeybo kamid ah gobolka Bakool, iyadoo imaatinka xoogagga uu hogaaminayo Abuu Mansuur ay noqoneyso mid jawi kacsanaan ah ku beereysa magaalada Beydhabo iyo guud ahaan gobolka Bay.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.
(Posted by Zak, January 4, 2008, 12:05 AM)