Dagaal fool ka fool ah ayaa saakay ka bilowday wadada 2-aad ee suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo iska horimaadkaan uu u dhexeeyo xoogagga muqaawamada iyo ciidamada dharcagaarta ee fariisimaha ka sameystay wadada Aadan Cadde.
Xoogagag muqaawamada ayaa weerar si weyn loo soo qorsheeyey waxa ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dharcagaartu ku lahaayeen wadada Aadan Cadde oo ku dhow suuqa Bakaaraha, waxaan dagaalkaasi uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlayey qaraxyo iyo tcshiirado.
Wararka laga helayo goobo ku dhow meelaha uu dagaalku ka socdo ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay qaar kamid ah ciidamada dharcagaarta.
Dagaalka ka qarxay halkaasi ayaa la sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay howlihii ganacsi ee suuqa Bakaaraha, waxaana gebi ahaanba xirmay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka jiray qeybaha ku teetsan wadada 2-aad ee suuqa Bakaaraha.
Dagaalkaan saakay ka qarxy wadada 2-aad ee suuqa Bakaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli dagaallo xooggan ay shalay ka dheceen wadada Wadnaha oo fariisimo ay ka dhigteen ciidamada dharcagaarta KMG.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.