Qaraxyo labo gaaraya oo isku dhow dhow ayaa goor dhaweyd ka dhacay suuqa Bakaaraha oo maal mahan xaaladdiisu ay aheyd mid iska caadi ah, xilli ku dhawaad 2 isbuuc aaney ka jirin suuqaasi ganacsigii hore oo kale.
Qaraxayadani oo la tilmaamay inay ahaayeen bam gacmeedyo ayaa waxa wararku ay sheegayaan in lagu bartilmaamed sanayey ciidamada dowladda Somalia oo suuqa ku sugnaa.
Qaraxayadani oo ka dhacay agagaarka waddada koowaad ee Bakaaraha 2:30 iyo 30 Pm ayaa waxa uu saameeyn ku yeeshey howlihii ganacsi ee suuqaasi.
Qaraxyadan ka dib ayaa waxa la maqley rasaas ay rideen ciidamada dowladda, iyadoo aan la ogeyn illaa iyo hadda cidda wax ku noqotey qaraxaasi iyo rasaastii ka dambeysey.