header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Qof rayid ah oo ku dhaawacmay rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen dad marayey wadada Wadnaha.

Your Ad Here

By Ahmed Aden Ibrahim on December 20,2024

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ayaa dad rayid ah ku dhaawacay wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraj , kadib markii ay tacshiirad huwiyeen dad rayid ah oo marayey meel ku dhow wadada isgoyska Howlwadaag. Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay tacshiirad ay fureen ciidamada dowladda KMG ee ku sugan wadada Wadnaha, gaar ahaan dhinaca isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii daqiiqado kor ciidamada lala beegsaday qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro. Dhaawaca qofka rayidka ayaa loola cararay isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana aad u kacsanaa xaaladda wadada 2-aad ee suuqa Bakaaraha oo saakay ay ka dheceen qaraxyo lala eegtay ciidamada dowladda KMG. Ciidamada dowladda ayaa badanaa tacshiirad ku fura dadka rayidka ah, waxaana tacshiradda at furaan ciidamada ku waxyeelooba dadka rayidka ah ee u soo shaqa taga suuqa Bakaaraha. Xafiiska wararka Muqdisho Somalia.

67 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author