Hal qof oorayid ah ayaa dhinaty mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ciidamo ka tirsan kuwo dowladda KMG ay tacshiirad ku fureen dad rayid ah isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Ciidamda dowladda KMG ayaa rasaas la beegsaday dad rayid ah oo marayey meel ku dhow isgoyska, waxaana rasaastaasi ku geeriyooday qof rayid ah, iyadoo sidoo kale uu ku dhaawacmay qof kale.
Ma cadda sababaha ka dambeeya in ciidamada dowladda KMG ay tacshiirad huwiyaan dadkaasi rayidka ah, waxaase jira warar sheegaya in ciidamada dowladdu ay rasaastaasi fureen kadib markii lagu tuuray bam nuuca gacanta ah kuwaas oo aan la sheegin khaasaaraha uu ugeystay ciidamada.
Xaaladda isgoyska Howlwadaag ayaa ah mid kacsan, waxaana halkaasi saakay laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay furayaan ciidamada dowladda.
Waddooyinka koowaad iyo labaad ee soo gala suuqa Bakaaraha ayaa maalmihii u dambeeyey ahaa kuwo kacsan, waxaana halakasi ku soo badanayey qaraxyada iyo rasasta, iyadoo waddooyinkaas maalin walba ay kadhacaan israsaaseyn.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.