header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Dad Badan oo ku geeriyooday madaafiic wali ku soo dhaceysa xaafado ka mid ah Muqdisho (Dhageeyso)

By bilaajo1974 on November 09,2024

Halkaan ka dhageyso

10 ruux ayaa ku geeriyootay tiro ka badana dhaawac ayaa ka soo gaaray saakay Madaafiic wali ku dhaceysa xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay ku habsadeen meelo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, kuwaasi oo geystay qasaaro

 


Goobaha ay ku dhacayaan madaafiicda ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Gubta iyo Suuqa xoolaha oo ka mid ah xaafadaha gobolka Banadir.


Ku dhowaad 10 ruux oo rayid ah ayaa saakay ku geeriyootay madfac kaare ah oo ciidamada Ethiopia ay soo rideen oo ku soo dhacay agagaarka Cirtoogte ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo rasaas goos goos ah iyo madaafiicda ka dhacda taankiyada oo ciidamada Ethiopia ay ku garaacayaan xaafado ka mid ah Black Sea


Sida uu soomaalinews.com  u xaqiijiyay Goobjooge la yiraahdo nuur ali,8 ruux oo ka mid ah dadkaasi oo iskumeel joogay ayaa geeriyooday halka labada kalena ay haleeshay rasaas i ay fureen ciidamada Ethiopia oo difaac kaga jira meel ku dhow isgoyska Black Sea.

8 daan ruux ee ku geeriyooday madafaca kaaraha ah ayaa waxa ay ahaayeen dad isku diyaarinayay in ay ka qaxaan xaafadahooda, waxana ay sugayeen gaari ay ku qaxaan sida ay ku warameen dadka deegaanka.


Halkaan ka dhageyso


435 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author