header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Qaraxyo xoogan iyo rasaas ka dhacday Duhurnimadii maanta Suuqa Bakaaraha.

By bilaajo1974 on November 30,2024

image

Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa duhurnimadii maanta waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan iyo sidoo kale rasaas aad u xoogan oo ay isweydaarsanayeen maleeshiyada dowladda iyo Xoogaga kasoo horjeeda ee kacdoonka kawada Magaalada Muqdisho.
Bartamaha Suuqa ayaa waxaa laga maqlay qaraxyo xoogan, waxaana daqiiqado kadib rasaas xoogan laga maqlay wadada Aadan Cadde halkaasi oo ay kusugan yihiin maleeshiyo katirsan dowladda oo fariisin ka dhigtay halkaasi tan iyo markii Bakaaro ay ka dhigteen hawlgalladooda ugu horeeya.

Qaraxyada iyo israsaaseynta ayaanan la garan Karin illaa iyo iminka khasaaraha uu geystay, waxaana xaaladda Suuqa iminka ay tahay mid si aad ah u cakiran inkastoo maanta ay iska heyd jimce oo aanan jirin cid suuqa soo xaadirtay oo sidaasi u siibadan lakin kistoo joogtay suuqa ayaa durba kasii kala cararay halkaasi.

Xaaladda Suuqa ayaa iminka ah meel huwaneysa oo aanan joogin cidna, waxaana kusugan keliya goobaha laga galo maleeshiyada dowladda oo aad u hubeysan iyaga oo iska ridaya rasaas aanan lagaran cidda iyo goobta ay la beegsanayaan.

 


67 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author