2 kamid ah Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay deegaano kala duwan oo kamid ah magaalada Muqdisho,iyadoona dagaaladaasi wali saameyntoodii ay taagan tahay.
Sida ay Boondheere.com u xaqiijiyeen dad goob joogayal ah 2-da askari oo Itoobiyaanka ah ayay ragga kaso horjeeda ku dileen agagaarka Warshadda Baastada markii weerar xoogan ay kusoo qaadeen.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa halkaasi si ba'an ugula dagaalamay kooxaha hubeysan waxaana dagaalkaasi uu qaatay waqtiyo badan oo uu ka soconayay hareeraha warshadda Baastada.
Ka sokow labada askari ee Itoobiyaanka ah waxaa geeriyootay 2 qof oo rayid ah kuwaasi oo rasaastii dagaalka la isku weedaarsanayay ay ku haleeshay deegaananooda.
Waxaa wali iminka aad u kacsan xaaladda guud ee degmada Heliwaa halkaasi oo mararka qaar laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay furayaan Ciidamada Itoobiyaanka.