header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Meydadka 5 qof oo rayid ah oo qaarkood gowracan oo saaka lagu arkay deegaanka Suuqa Xoolaha.

By bilaajo1974 on November 23,2024

Meydadka ilaa 5 qof oo rayid ah oo qaarkood la gowracay ayaa saaka lagu arkay deegaanka Suuqa Xoolaha,halkaasi oo shalay oo dagaalo iyo isku dhacyo ay ku dhexmareen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxo kasoo horjeeda.

 

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka meydadka dadkaasi oo 3 kamid ah la gartay ayaa la xaqiijiyay in ay dileen Ciidamada Itoobiyaanka iyagoona ugu galay goobahooda ganacsiga markii qalalaasaha halkaasi uu ka dhacay.

 

Meydadka qaarkood ayaa madaxa ka go'naa waxaana la garan waayay illaa 2 qof oo saaka meydadkooda la geeyay Masaajid ku yaalla Suuqa Xoolaha,halkaasi loogu jiro qaban qaabo lagu aasayo.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dadkaasi shalay toogasho ku dilay kuwa kalena gowracay kadib markii shalay ay dagaalo ku qabsadeen deegaankaasi iyadoona ay kooxo hubeysan weeraro bambaano ku beegsadeen.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa inta badan khasaaraha kasoo gaara kooxaha hubeysan waxaa ay ka aarsadaan shacabka aan waxba galabsan iyagoona aan u kala soocen kuwa hubeysan iyo shacabka aan hubka sidan.

 


405 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 4 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author