header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Qodobada Sharciga ladagaalanka Argigixisad ee uu ansaxsaday Maamulka Mbagaati

By b1laajo on May 06,2025

sharciga ladagaalan wax ay ugu yeereen argixixisad ee uu dhawaan ansixiyay Barlamaanka Maamulka Mbataagi oo ka kooban 18 Qodob wuxuu u qornaa sidaan:-
HORDHAC:

Ayadoo la tixgelinaayo xaaladda nabadgelyo daro ee dalka ku soo koradhay guud ahaan taasoo horseedi karta fowdo iyo kala dambeyn la’aan dalka ku baahda , isla markaana sababi karta inuu dalku noqdo hoy iyo gabaad argagaxisada caalamiga ahi adeegsato.

Marii la xaqiijiyay in labadii dhacdo ee laga fuliyay magaalada Baydhabo 18/09/2024 iyo 30/11/2024 ay ahaayeen falal argagixiso.

Markii la arkay in xeerarkii hore ee ciqaabta soomaaliyeed iyo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed midkoodna xuseynin fal dambiyeed argagixiso iyo ka hortaga falalka argagixiso, sidaas darteed waxaa la gartay in sharciyadii hore ee dalka lagu kordhiyo xeer (Low) cusub oo la jaanqaada (Socda) isbedelada xaaladaha Amniga , munaasibna u ah inuu u adeego maslaxada bulshada soomaaliyeed kuna haboon ka hortaga falalka argagaxiso.

Haddaba iyadoo laga ambaqaadayo marxalada cusub ee dalku galay taasoo xal amni, bulsho iyo siyaasadba u baahan waxaan soo saarnay qodobada hoos ku qoran ee xeerka ka hortaga argagaxisada.

QODOBKA1AAD
QEEXID.

1. Ujeedo Argagixiso: Waa falal ay ka mid yihiin Ismeydaamin , Burburin , Khaarijin ashkhaas , Qarbudaad iyo Cabsi gelin oo ay adeegsadaan kooxo,Ururo iyo Ashkhaas(Shakhsi), si ay u waxyeeleeyaan Sharciyada , Nabadgelyada iyo Xasiloonida bulshada oo ay u gaaraan ujeedoooyin kala duwan.

2. Fal argagixiso: Waxaa loola jeedaa falalka argagixisadu qabato in ta u dhaxeeysa hindisaha hawlgalada argagixiso ilaa fulinta fal dambiyeedka

3. Iskuday falal argagixiso: Waa falalka ay ku dhaqaaqdo argagaxisadu oo aan gaarin heer fulineed.
4. Astaamo argagaxiso: Waxaa loola jeedaa calaamadaha Shaabadaha(Timbaro) iyo astaamaha u gaarka ah ee ay adeegsadaan (isticmaalaan) Kooxo gaar ah oo dawlada sharciga ee soomaaliya u aqoonsatay inay yihiin argagixiso.

5.Raad argagixiso: Waxaa loola jeedaa qaabka argagaxa leh ee loo fuliyay falka iyo haraaga burburka naf iyo maal ee goobta dambiga.

 

 

QODOBKA2AAD
FALDANBIYEED ARGAGIXISO.

Waxaa fal dambiyeed argagaxiso ah dhamaan ama qeyb ka mid ah :-

B. Marxaladaha kala duwan ee ku xusan faqradaha 2aad ,iyo 3aad ee qodobka 1aad ee isla xeerkan.
T. Aasaasida , Abaabulka , Jihaynta , Hogaaminta , Dhiirigalinta , Tababarida, Maalgelinta , Qalabeynta , Qarinta , Taageerida , Ka qaybgalka , Gacansiinta danbiga ku xusan qodobkan waa faldanbiyeed argagixiso.

QODOBKA3AAD
REEBITAAN.

Waxaa reeban dhismo urur ama hay’ado(hay’ad) ujeedooyin argagaxiso leh
waana faldambiyeed sida ku cad qodobka 1aad.


QODOBKA 4 AAD
HABKA QABASHADA.

1.Hay’adaha nabadgelyada iyo amniga waxay awood u leeyihiin in ay qabtaan , baaraan, ka hortagaan Qof- Cid kasta oo ku hawlan fal dambiyeed argagaxiso

2 .Xasaanad ka qaadista waxaa loo marayaa sida ku xusan Axdiga qaranka ee KMG qodobkiisa 35aad iyo Shuruucda kalee dalka.

3.Xariga eedeysanayaasha iyo xayiraada hantidooda waxaa xalaaleynaya Maxkamada Gobolka.
4. Qofkii lagu soo eedeeyo faldanbiyeed argagixiso waa in 48 saac gudahood lagu horkeeno maxkamada ay khuseyso.

5.Baarista iyo dabagalka xadgudubyada laga galo xeerkaan waxaa u xilsaaran maxkamada ay quseeyso.

QODOBKA 5 AAD
NOOCYADA CIQAABTA XEERKAAN.

Xeerkaan ciqaabtiisu waa:-
Dil toogasho iyo Hanti la wareegid
Xabsi Daa’im
Xabsi Dheer
Xabsi Gaaban

QODOBKA 6AAD
CIQAAB DIL AH.

Qof kasta oo gala faldanbiyeed argagixiso oo ah Asasid, Hogaamin,Ismiidaamin, Xasuuq iyo Kharajin Shakhsiyaad (asisinashin) Waxaa lagu ciqaabayaa Dil toogasho iyo hantidiisa oo lala wareego

QODOBKA 7AAD
CIQAAB XABSI DAA’IM AH.

Qof kasta oo gala faldambiyeed argagixiso oo ah
Abaabul, Maalgelin, Jiheyn waxaa lagu ciqaabayaa Xabsi daaim.

QODOBKA 8 AAD
CIQAAB XABSI DHEER.

Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo ah Tababarid, Qalabaeyn, Dhiirigalin waxaa lagu ciqaabayaa 10 ilaa 30 sano.

QOBOBKA 9 AAD
CIQAAB XABSI GAABAN.

Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo ah Gacansiin, Qarin, Taageerid, Ka qaybgal waxaa lagu ciqaabayaa 5 ilaa 15 sano

QODOBKA 10 AAD

XAALADAHA CUSLEEYA AMA FUDUDEEYA DAMBIYADA

Xaaladaha dambiyada cusleeya ama fududeeya ee xeerkan waxaa laga qaadanayaa xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

QODOBKA 11 AAD
CADEEYMO.

Xeerkani wuxuu cadeeymo u yaqaanaa sida ku qoran buuga 3aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed oo lagu kordhiyay cajaladaha maqalka, muuqaalka iyo sawirada la xiiriira faldambiyeedka.

QODOBKA 12 AAD
MARKHAATI.

Dacwadaha argagixisada markhaatiyaashooda waxaa ugu horeeya danbi baaraha, Garsooruhu kuma khasbi karo in danbi baaruhu soo bandhigo Qof ahaan iyo magac ahaan adeegaha qarsoon, Markhaatiyaasha kalena waxaa loo raacayaa sida uu qabo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.
Maragfurida adeegaha qarsoon lama qaadan karo haddii aan loo helin cadeymo kale oo taageeraaya.

QODOBKA 13AAD.
QIRAALKA.

Qiraalada ay bixiyaan eedaysanayaasha loo haysto faldanbiyeed argagixiso waxaa dhageysanaaya garsooraha maxkamada isagoo raacaya sida uu qabo qodobka 68aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.

QODOBKA 14AAD.
XILGUDASHO LA’AAN.

A. Masuul kasta oo xil ka saaran yahay arimaha nabadgelyada dalka oo ay xilgudasho la,aantiisu sababto in argagixisadu ka faaiidaysato waxaa lagu ciqaabayaa 1(Hal ) ilaa 3 (saddax ) sano.

B. Muwaadin kasta oo ka baaqsada inuu soo sheego dhaqdhaqaaq argagixiso oo uu ka war helay waxaa lagu ciqaabayaa 6 (Lix) bilood ilaa 1 (Hal) sano.

QODOBKA 15 AAD
MAXKAMADA AWOODA U LEH.

Dhageysiga dacwadaha argagixisada waa heer gobol, waxaana qaadaysa maxkamada gobolka, Go’aanka maxkamada hadii eedaysanuhu uusan ku qancin waxaa u furan inuu ka qaato Racfaan mudo 30 maalmood gudahooda wuxuuna soconkaraa ilaa darajada ugu sareeysa.

QODOBKA 16 AAD
QAREEN.

Eedeysane kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu qabsado qareen u dooda hadduu awood u leeyahay.
Eedeysane kasta oo aan awood u lahayn inuu qabsado qareen u dooda waxaa dowladu u qabaneysaa qaareen difaaca qarashkana waxaa bixinayaa dowlada.

QODOBKA 17AAD
XEER GAAR AH.

Xeerkan wuxuu gaar u yahay faldambiyeedyada argagixisada, waxna u ma dhimaayo shuruucda kale ee ciqaabta.(Ordinary low).


QODOBKA 18 AAD
DHAQAN GALKA XEERKAN.

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka uu golaha baarlamaanka ansaxiyo madaxweynuhuna sixiixo kuna soo baxo faafinta rasmiga ah.

GUDIGA NABADGELYADA IYO DIFAACA EE GOLAHA BAARLAMAANKA.

1. Maxamed Xuseen Isaaq (AfAraale)
2. Faarax Ismaaciil Xuseen
3. C/rashiid Maxamed Xiddig
4. C/axmed Cumar (Caano nuug)
5. Axmed Cumar Jees
6. C/risaaq Isaaq Biixi
7. Ibaahim Aadan Xasan (Kiish)
8. Maxamed Xuseen Cadow
9. Yuusuf Maxamed Kheyr(Guurow)
10. Yuusuf Maxamed C/qaadir
11. Cali Jeyte Cusmaan
12. Ibraahim Maxamed Isaaq
13. Xuseen Maxamed Baantuu

XUBNAHA SHARCI YAQAANADA

1. Cali Muumin Ismaaciil
2. Cumar Xasan Zubeer
3. Axmed Ibraahim Maxamed
4. C/raxmaan Maxamed Cali
5. Xuseen Cabdi Wadde

 


54 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed