Weeraro bambaanooyinka gacanta loo adeegsaday ayaa looga hortagay cutubyo kamid ahaa Ciidamada Itoobiyaanka kadib markii ay isku dayeen maanta Duhurkii in ay howlgallo baaritaano ah ka sameeyaan deegaankaasi.
Waxaa la sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka xilli ay soo galeen gudaha xaafaddaasi roobka looga dhigay Bambaanooyin isla markaana ay dhankooda rasaas ku jawaabayeen laakin ma jirin wax khasaare ah.
Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka Ciidamada Itoobiyaanka ayaa halkaasi isaga soo baxay waxana xaaladda galabya ay u muuqataa mid aad kaga degan sidii hore.
Xalay ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiyaanka weerar hoobiyeyaal ah lagu qaday xaruntooda warshadda Baastada waxaana xigay weerar toos ah oo lagu qaaday xaruntaasi walina lama hayo faah faahin kun aadan khasaaraha soo gaaray Itoobiyaanka.