header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Khasaaraha uu geystay Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaraha (Daawo sawirada)

By bilaajo1974 on October 03,2024

Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu geystay khasaare baaxad leh, iyadoo ay ku hanti beeleen shacab badan oo Soomaaliyeed oo shalay Maqribnimadii guryahooda u hoyday iyago Tujaar ah.

Saaka markii uu waaba baryay kadib ayaa waxaa gudaha Suuqa Bakaaraha lagu arkayay ganacsato badan oo dul-taagan hantidoodii oo dambas noqotay, isla markaana aysan jirin wax ka badbaaday, kuwaasi oo wejiyadooda laga dheehan karay murugo.

Qeybaha uu Dabka baabi’iyay ayaa waxaa ka mid ah qeybaha lagu iibiyo Kutubta, Rinjiga, Dharka, Maacuunta, Waxyaabaha la isku carfiyo, iyadoo sidoo kalena ay gubteen Dawaarro waa weyn oo dharka noocyadiisa kala duwan lagu toli jiray.

Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu baabi’iyay goobo ganacsi oo ku fadhiyay dul bedkiisa gaarayo 400 oo mitir, kaasi oo ay ku yaaleen Dukaamo ka sameysnaa Jiingado.

Ma suurtagelin intii uu dabkaas socday in la demiyo, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo qeybaha gubanayay ay ku yaaleen meelo ciriiri ah oo ay geli waayeen Booyado Biyo waday iyo Baldoosarro Dabkaas lagu baqtin lahaa.

Haddaba Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo saakay shir ka yeeshay Dabkii xalay baabi’iyay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen go’aanno ay ka mid ahaayeen in la sameeyay Guddi Ganacsato ah oo 9 xubnood ah, kaasi oo soo qiimeeya khasaarihii uu dabkaas geystay, isla markaana soo tira-kooba ganacsatadii ku hanti beeshay iyo in la helo labo dab-demis oo hadda wixii ka dambeeya lagula dagaalamo Dabka ka kaca Suuqa Bakaaraha.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Suuqa Bakaaraha gubto, wuxuuna horay u gubtay muddo afar jeer ah, iyadoo inta jeer ee uu gubanayayna ay ku hanti beelayeen Ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 


191 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 8 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author