header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Dagaal aad u qaraar oo Caawa maqribkii ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Hubeysan wadada Warshadaha.

By bilaajo1974 on October 20,2024

Dagaal aad u qarar oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa caawa maqribkii ku dhex maray Ciidamada Itoobiyaanka iyo koxo hubeysan Wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Miizaanka Dhuxusha iyo Isgoyska Towfiiq.

 


Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa in dagaalkaasi uu qabsaday kadib markii ay isku dayeen in ay u gudbaan dhinaca Xaafadaha ee deegaankaasi ku xeeran si ay baaritaano kaga soo sameeyaan.


Goob jooge qadka taleefanka kula soo xiriiray Xafiiska Shabakadda Soomaalinews.com ayaa inoo xaqiijiyay in isku dhacaasi uu ahaa mid aad u xoogan isla markaana la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan.


Waxa uu inoo sheegay goob joogahaasi aanu magaciisa faafineyn in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray inta la ogyahay dadka rayidka ah maadaama goobta dagaalka aysan joogin wax rayid ah goor horena ay isaga baxeen dadka rayidka deegaanadaasi.


Ciidamada Itoobiyaanka ayaa galabta halkaasi hakad ku galiyay dhamaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee deegaanadaasi iyadona aan la garan ulajeedka rasmiga ah ee ka danbeeyay arrinkaasi.


182 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (1 posted)
  • bilaajo [url=http://bilaajo.com]key[/url]
    (Posted by bilaajo, October 20, 2007, 6:44 PM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author